Home Wararka Caalamka Qaramada Midoobey oo ku baaqday in la baaro hubka Israel ku burburineyso Gaza

Qaramada Midoobey oo ku baaqday in la baaro hubka Israel ku burburineyso Gaza

by Laacib

Qaramada Midoobey ayaa markii ugu horreysay codsatay in la baaro hubka culus, ee ay Israel u adeegsaneyso duulaankeeda Marinka Gaza

Madaxa Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey, Volker Türk ayaa sheegay in loo baahan yahay in baaritaan lagu sameeyo hubka halista ah ee Israel u adeegsaneyso weeraradeeda Gaza, kaas oo burbur baahsan loogu gaysanayo dhulka Falastiiniyiinta ee la go’doomiyay.

Madaxa Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey ayaa sheegay in isticmaalka Israel ee hubka saameynta badan leh laga dareemay Marinka Gaza.

Duqaymihii cirka, badda iyo dhulka ee Israel ka wadday Gaza ayaa waxaa dhawaan ku biiray hawlgal dhinaca dhulka ah, oo sida ay sheegtay ay ku burburineyso Xamaas.

“Duqaymaha ballaaran ee Israel ku hayso Gaza, oo ay ku jiraan isticmaalka hubka qarxa ee saamaynta xoogan leh, waxay si cad u leedahay saamayn bani’aadanimo.” Ayuu yiri Volker Türk oo Warbaahinta kula hadlay magaalo madaxda dalka Jordan ee Amman.

Waxa kaloo uu yiri “Weeraradan waa in la baaro, waxaan qabnaa walaac aad u weyn, oo ah in kuwani ay yihiin weeraro aan loo meel dayin oo xadgudub ku ah sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada.”

Waxa uu sheegay in Israel looga baahan yahay in ay joojiso hubka noocaan oo kale ah inay u adeegsato magaalo isku raran ah, oo ay ku nool yihiin buu yiri 2.3 milyan oo Falastiiniyiin ah.

Israel ayaa Xoogaga Xamaas ku eedeysay in ay gabaad ka dhiganayaan goobaha rayidka, isla-markaana ay hub iyo aalado kale ku qarinayaan isbitaalada, oo ay marar badan ciidamadeeda beegsadeen.

Turk oo ka falcelinayay eedeymaha Israel ee Xamaas ayaa yiri “Isticmaal kasta oo kooxaha hubeysan ee Falastiiniyiinta ee rayidka, si ay isaga difaacaan weerarka, waxay ka hor imaneysaa sharciga caalamiga ah ee dagaalka, balse habdhaqanka noocaas ah ee kooxaha hubeysan ee Falastiiniyiinta kama saareyso Israel waajibaadkeeda ah inay hubiso in dadka rayidka ah aan la beegsan.”

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa Isniintii sheegay in Israel ay si cad ugu xadgudubtay sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc