Home Wararka Caalamka Qaramada Midoobey oo shaaciday tirada dadka ku barakacay colaadda Gaza

Qaramada Midoobey oo shaaciday tirada dadka ku barakacay colaadda Gaza

by Laacib

Qaramada Midoobey ayaa Ciidamada Israel ku eedeysay in ay barakaciyeen shan iyo sideetan boqolkiiba (85%) dadka Gaza, isla-markaana ay la’yihiin goobo ammaan ah oo ay ku nabadgalaan, ayna ku heli karaan gargaarka ay u baahan yihiin.

Hay’adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiiniyiinta ee UNRWA ayaa sheegtay in 1.9 milyan oo qof oo ka mid ah 2.3 milyan oo ku nool Marinka Gaza lagu khasbay in ay guryahooda ka barakacaan.

Hay’adda UNRWA ayaa sheegtay in dadka faraha badan ee la barakaciyay aanan loo hayn in ku filan gargaarka ay u baahan yihiin, taasina ay xaaladda sii adkeynayso.

“Tirada dadka ka barakacay guryahooda ayaa afar jeer ka badan awoodda, mana jirto gargaar ku filan oo lagu dabooli karo baahiyaha xad dhaafka ah.” Ayay Hay’adda UNRWA ku sheegtay war ay soo saartay.

Madaxa Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gargaarka Bani’aadantinimada, Martin Griffiths ayaa sheegay in weerarada joogtada ah ee Israel ay carqaladeeyeen in gargaar dhameystiran la gaarsiiyo dhulka go’doonsan.

Martin Griffiths ayaa caalamka ugu baaqay in ay gacan ka gaystaan, sidii wax looga qaban lahaa xaaladda murugsan ee ka taagan Marinka Gaza.

Duqaymaha baahsan ee Israel ka waddo Gaza ayaa galaaftay nolosha 17,177 qof oo shacab ah, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka ee ay Xamaas maamusho.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc