Home Wararka Caalamka Qaramada Midoobey oo sheegtay in xaalad la yaab leh ay soo food-saartay Bariga Dhexe

Qaramada Midoobey oo sheegtay in xaalad la yaab leh ay soo food-saartay Bariga Dhexe

by Laacib

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa mar kale ka digay xiisadda sii kordheysa ee ka taagan Bariga Dhexe, iyadoona uu ku baaqay in si degdeg ahi loo joojiyo colaadda Israel iyo Falastiiniyiinta.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa sheegaya in gobolka ay soo food-saartay xaalad la yaab leh, haddii aan si degdeg ahna waxba looga qaban ay ka sii dari karto.

Xoghayaha ayaa tilmaamay in gobolku uu qarka u saaran yahay xilli aad u adag, taas oo gobolka ka tuureysa sida uu yiri bohol aan la aqoon halka ay ku dhamaato.

Xoghayaha ayaa ugu yeeray Xoogaga Xamaas in ay sii daayaan la haysteyaasha, isagoo dhanka kale Israel ugu baaqay inay ogolaato in kaalmada bani’aadanimo la gaarsiiyo dhulka Falastiiniyiinta.

Xoghaye Guterres ayaa hoosta ka xariiqay in ay lagama maarmaan tahay in Shaqaalaha Qaramada Midoobey ay si nabdoon gargaarka ku gaarsiiyaan dadka reer Gaza.

Waxa uu muujiyay in gacanta adag ee Israel u adeegsaneyso hawlgalkeeda ka dhanka ah Marinka Gaza aanay u saamaxeynin in shaqaalahoodu ay gargaarka bani’aadanimo gaarsiiyaan magaalada.

Xaaladda ka sii dareysay ee ay wajahayaan dadka reer Gaza ayaa ka dhalatay go’doominta iyo duqaymaha baahsan ay Israel ku hayso Marinka Gaza.

Dadku waxay maalmihii ugu dambeysay wajahayeen koronto la’aan, adeegga biyaha oo ka go’an, sahayda cuntada oo ka sii dhamaaneysa iyo dawooyinka oo gabaabsi ku sii ah goobaha caafimaadka.

Digniinta iyo baaqa Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa imaanaysa, xilli uu soo xiigeysanayo walaaca caalamiga ah ee laga muujinayo dembiyada dagaal ee Israel lagu eedeeyay inay ka waddo dhulka Falastiiniyiinta.

Madaxweyne Joe Biden ayaa ku baaqay in loo baahan yahay in la helo waddo loo maro dhismaha dowlad ay Falastiiniyiintu leeyihiin, tani oo hoggaamiyeyaasha dunida ay u arkaan tan qura ee nabad loogu soo dabaali karo Bariga Dhexe.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc