Home Wararka Maanta Qaramada Midoobey oo si adag uga hadashay weerarka lagu burburiyay Xerada ATMIS ee Buulo Mareer

Qaramada Midoobey oo si adag uga hadashay weerarka lagu burburiyay Xerada ATMIS ee Buulo Mareer

by Laacib

Qaramada Midoobey ayaa si adag u cambaareysay weerarkii xooganaa ee maleeshiyada Al Shabaab Jimcihii ka gaysteen Xerada Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ku leeyihiin deegaanka Buulo Mareer ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Shabaabka ayaa xeradaasi ku qaaday weerar ku bilowday qaraxyo waaweyn, ayna daba socdeen ciidan lugeynaya oo dhowr jiho weerar xoogan kaga ekeeyay xeradaasi. Shabaabka ayayna u suurtagashay inay gudaha u galaan xeradaasi.

Bayaan ka soo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in maleeshiyadooda ay cagta mariyeen xeradaasi, isla-markaana ay weerarka ku dileen 137 askari oo u dhashay dalka Uganda.

Gudoomiyaha Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey, Csaba Kőrösi oo sheegay inay weerarkaasi ka xun yihiin ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehelada askartii ku dhimatay weerarkaasi.

“Argagixisadu nooc kasta oo ay tahay iyo muuqaalkeeda, waxay ka dhigan tahay khatar weyn oo ku wajahan nabadda iyo amniga caalamka.” Ayuu yiri Gudoomiyuhu.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in loo baahan yahay in sharciga la horkeeno Shabaabkii hubeysnaa ee weerarkaasi ka masuulka ahaa.

Xerada la weeraray ayaa waxaa deganaa Ciidanka Militariga Uganda ee qaybta ka ah Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS.

Hawlgalka ATMIS ayaa Dowladda Somaliya ka taageera howlaha sugidda amniga iyo la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc