Home Wararka Caalamka Qarax ay dad ku dhinteen oo ka dhacay dalka Philippines

Qarax ay dad ku dhinteen oo ka dhacay dalka Philippines

by Laacib

Qaraxan oo ahaa mid xoogan ayaa maanta ka dhacay dhisme jaamacadeed oo ku yaala magaalada koonfurta dalkaasi ku taala ee Marawi.

Jaamacadda ayaa waxaa ka socday isu imaatin diimeed oo ay lahaayeen masiixiyiinta dalkaasi, iyadoona ay qaraxa ku dhinteen afar qof, halka 50 kalena ay ku dhaawacmeen.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxu uu ka dhacay hoolka shirarka ee Jaamacadda Mindanao ee Magaalada Marawi, oo ay degan yihiin Muslimiyiinta ugu badan ee dalkaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa ay waxyeelada ugu badan ka soo gaartay dad u badan arday iyo macalimiin.

Taliyaha Ciidamada Gobolka, General Gabriel Viray III ayaa sheegay in dadka dhintay ay saddex ka mid ah haween yihiin.

Mamintal Adiong, Gudoomiyaha Gobolka Islaamiga ah ee Lanao del Sur ayaa sheegay in lix ka mid ah dhibaneyaasha ay xaaladoodu garaab tahay. Gobolkan waxaa xarun u ah Magaalada Marawi.

Taliyaha Ciidanka Militariga ee dalkaasi, General Romeo Brawner ayaa sheegay in weerarku uu noqon karo mid ay aargudasho ahaan u gaysteen maleeshiyada Muslimiinta, kuwaa oo sida uu yiri dib u dhacyo dagaal oo xiriir ah la kulmay.

“Waxaan eegaynaa xaglaha suurtagalka ah, waxay noqon kartaa weerar aargoosi ah.” Ayuu yiri General Romeo Brawner.

Madaxweynaha Philippines, Bongbong Marcos ayaa qaraxa ku eedeeyay argagixiso shisheeye, isagoona u tacsiyeeyay qoysaska iyo ehelada dhibaneyaasha.

Magaaladan ayaa waxaa sanadkii 2017 ka dhacay dagaal muddo shan bilood ah socday, oo u dhaxeeyay Ciidamada Qaranka iyo xoogag xiriir la leh Ururka Daacish.

Qaraxan ugu dambeeyay ayaa waxaa ka dhashay walaac dhanka amniga ah, taas oo keentay in heegan la geliyo ciidamada ammaanka ee dalkaasi, oo ay ku jirto Caasimadda Manila.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc