Home Wararka Caalamka Qarax ay dad ku dhinteen oo ka dhacay xadka Mareykanka iyo Canada

Qarax ay dad ku dhinteen oo ka dhacay xadka Mareykanka iyo Canada

by Laacib

Qaraxa ayaa ka dhashay gaari ka yimid dhinaca dalka Mareykanka, kaas oo si lama fillaan ah ugu qarxay Buundada Rainbow ee xiriirisa Mareykanka iyo Canada.

Gaariga oo si xowli ah ku socday ayaa gelinkii dambe ee Arbacadii ku qarxay goob mashquul badan oo ku taala xadka labada dal, iyadoona ay ku dhinteen laba qof oo gaarigaasi saarnaa.

Buundada Rainbow ayaa isku xirto Gobolada New York iyo Ontario, iyadoona aan illaa iyo hadda wax badan laga ogayn waxa dhaliyay qaraxaasi.

Gaariga oo dab xoogan uu qabsaday ayaa gebi ahaanba ku burburay goobtaasi. Dhacdadan ayaana sababtay in howlihii duulimaad ee Magaalada Buffalo uu hakad ku yimaado. Buffalo ayaa ka tirsan Gobolka New York.

Gudoomiyaha Gobolka New York, haweeneyda lagu magacaabo Kathy Hochul ayaase sheegtay inaanay jirin calaamado muujinaya in qaraxu uu ahaa fal argagixiso.

Ciidamada amniga ayaa xiray afarta buundo ee isku xira Canada iyo Mareykanka ee u dhow Magaalada Niagara Falls ee Gobolka Ontario ee dalkaasi Canada.

Saraakiisha ayaa sheegay in markii dambe dib loo furay Buundooyinka Peace, Whirlpool iyo Lewiston-Queenston, balse ay weli xiran tahay Buundada Rainbow.

Kathy Hochul, Gudoomiyaha Gobolka New York ayaa sheegtay in ay xaqiijinayaan amniga Buundada Rainbow, ka hor inta aan dadka loo ogolaan inay adeegsadaan.

“Waxaan doonaynaa inaan hubino in dadweynuhu ay si nabadgelyo leh ku maraan, ka hor inta aysan dib ugu laaban Buundada Rainbow.” Ayay tiri Kathy Hochul.

Kathy Hochul ayaan sheegin waxa sababay qaraxaasi, balse waxay sheegtay in baaritaano ay socdaan.

Raysal Wasaaraha Canada, Justin Trudeau oo goor dambe hadlay ayaa isna sheegay in arrintan ay tahay mid walaaceeda leh, dhankoodana ay sameynayaan baaritaano ay ku ogaanayaan waxa sababay qaraxa.

Qaraxan ayaa baqdin dhanka amniga ah ku keenay dadka isugu kala goosha xadka, waana wax ku cusub xuduudda labada dal.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc