Home Wararka Maanta Qarax ka dhacay hoyga nin Wasiir ah oo degan Magaalada Baydhabo

Qarax ka dhacay hoyga nin Wasiir ah oo degan Magaalada Baydhabo

by Laacib

Qaraxan ayaa xalay fiidkii ka dhacay ilinka hore hoyga uu Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Koonfur Galbeed, Iimaan Cali Cabdi (Iimaan Goobe) ka degan yahay Magaalada Baydhabo.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxu uu ahaa miino lagu xiray ganjeelka gurigan, oo ku yaala xaafadda Buulo Jameeco ee bartamaha magaaladaasi.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Wasiirku uu ka maqnaa hoygiisa, xilligii uu qaraxu dhacayay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa ay ku dhaawacmeen mid ka mid ah ilaalada guriga iyo wiil uu dhalay Taliyaha hore ee Ilaalinta Canshuuraha & Dhaqaalaha Booliska Gobolka Baay, G/dhexe Xuseen Keerow Xasan.

Wiilka ayaa la sheegay in qaraxu uu ka kulmay, wax yar uun ka dib, markii uu ka soo baxay hoygooda oo ka soo horjeeda gurigaasi.

Ciidamada amniga oo gaaray guriga uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaan jirin cid ay u soo qabteen qaraxaasi, illaa iyo hadda inta la ogyahay.

Ma cadda sida ay ku suurtagashay in qaraxaasi lagu xiro albaabka guriga, haddii uu yahay guri uu leeyahay nin madax ah, amnigiisana la ilaaliyo.

Inkastoo aysan weli hay’adaha ammaanka ka hadlin qaraxaasi, haddana dadka deegaanka ayaa isla dhex maraya inuu u muuqday mid la doonayay in lagu qaarajiyo Wasiir Iimaan Goobe.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxan, balse qaraxyada ceynkani oo kale ah ayaa looga bartay maleeshiyada Al Shabaab.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc