Home Wararka Maanta Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho

Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho

by Laacib

Qaraxa oo ahaa nooca dhejiska ee gawaarida lagu xiro ayaa saaka ka dhacay Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in qaraxu uu ka dhacay agagaarka maqaaxida Rajo ee Waddada Beexaani.

Qaraxa ka dib ayaa waxaa la arkayay dab xoogan oo ka kacay gaarigaasi, inkastoo ay markii dambe baqtiiyeen Shaqaalaha Dab-demiska oo goobtaasi gaaray.

Goobjoogeyaasha ayaa sheegay in gaarigu uu watay nin dhallinyaro ah, balse xilligii uu qaraxu dhacayay uu ku jiray Gym ku yaala Isgoyska Beexaani, gaariguna uu yiilay waddada dhinaceeda.

Lama sheegin cid kale oo goobta ka ag-dhaweyd oo wax ku noqotay qaraxaasi, oo jugtiisa laga maqlay qaybo ka mida xaafadaha magaalada.

Laamaha amniga ayaan wax wara ka soo saarin qaraxaasi iyo waxa uu yahay ninka uu bartilmaameedku ahaa.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxan, balse qaraxyada ceynkani oo kale ah ayaa waxaa looga bartay maleeshiyada Al Shabaab.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc