Home Wararka Caalamka Qarax ka dhacay xeendaabka Safaaradda Israel ee India (SAWIRRO)

Qarax ka dhacay xeendaabka Safaaradda Israel ee India (SAWIRRO)

by Laacib

Qaraxa ayaa gelinkii dambe ee maanta ka dhacay meel u dhow Xarunta Safaaradda Israel ee Caasimadda New Delhi, iyadoo aysan jirin cid ka tirsan Shaqaalaha Safaaradda oo wax ku noqday qaraxaasi.

Saraakiisha Booliska ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay oo ku taala Chanakyapuri, oo ah deegaan bilic qurxoon oo ay ku badan yihiin diblomaasiyiinta iyo dadka hodanka ah.

Saraakiisha ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay in ay ku mashquulsan yihiin baaritaanka, waxa sababay qaraxaasi.

Afhayeenka Safaaradda Israel, Guy Nir ayaa sheegay in qaraxu uu abaarihii 5:20pm ka dhacay nawaaxiga Xarunta Safaaradooda.

“Booliska maxaliga ah iyo hay’adaha ammaanka ayaa wada baaritaanka qaraxa, mana jirto cid wax ku noqotay.” Ayuu yiri Afhayeenka.

Warbaahinta dalkaasi ayaa sheegeysa inaysan jirin wax calaamado ah oo muujinaya in dad marayay waddada ay wax ku noqdeen qaraxaasi.

Warbaahinta ayaa sidoo kale sheegtay in laamaha amniga ay dib u furayn waddadaasi, ka dib saddex saacadood oo baaritaan ay ka wadeen.

Wararka ayaa sheegaya inaysan weli ciidamadu helin asbaabta dhalisay qaraxa, marka laga soo taggo in baaritaanka ay ku foogan yihiin.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israel ayaa sheegtay in baareyaasha India ay wadaan baaritaanka qaabka uu qaraxaasi u dhacay, iyaga oo kaashanaya hay’adaha amniga ee Israel.

Wasaaradda ayaa qoraal ku sheegtay in Tel Aviv ay New Delhi kala shaqeyneyso baaritaanka lagu ogaanayo sababta qaraxa.

Bishii January ee sanadkii 2021 ayay ahayd, markii qarax uu ka dhacay xeendaabka Safaaradda Israel ee dalkaasi. Sarkaal xilligaasi u hadlay Israel ayaa sheegay in Israel ay qaraxaasi u qiimeynayso mid argagixiso.

Qaraxan ayaa imaanaya, xilli Israel ay heegan gelisay shaqaalaheeda iyo diblomaasiyiinteeda ku kala sugan daafaha caalamka, waana xilli ay kordhayaan weerarada Yahuud naceybka ah, ka dib markii Israel ay bilowday duulaankeeda Marinka Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc