Home Wararka Maanta Qarax khasaare badan gaystay oo ka dhacay Degmada Buuloburde (SAWIRRO)

Qarax khasaare badan gaystay oo ka dhacay Degmada Buuloburde (SAWIRRO)

by Laacib

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax ismiidaamin ahaa oo galabta ka dhacay aagga Suuqa Degmada Buuloburde ee Gobolka Hiiraan.

Nin la socday gaari Leyla Calaawi ahaa oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa isku qarxiyay inta u dhaxeyso suuqaasi iyo xaafado la degan yahay.

Wararka ayaa sheegaya in ninkaasi uu si kedis ah isugu qarxiyay halkaasi, xilli ay ku daba joogeen ciidamada amniga, iskuna dayayay in ay rasaas ku joojiyaan gaariga.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in dad isugu jira askar iyo rayid ay ku dhinteen qaraxaasi, tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Inta la xaqiijiyay lix qof ayaa la ogyahay in qaraxaasi ku geeriyoodeen, halka saddex iyo toban kalena ay ku dhaawacmeen

Dadka qaraxa ku geeriyooday waxaa ka mid ah wiil iyo gabar wada dhashay iyo nin kaloo lagu sheegay inuu shaybaariiste ahaa.

Sidoo kale qaraxa ayaa burbur baaxad leh u gaystay dhismayaal la deganaa iyo weliba goobo ganacsi.

Sabtidii ayay ahayd, markii gaari xamuul ahaa oo lagu soo raray walxaha qarxa lagu bartilmaameedsaday kontoroolka Horseed ee Magaalada Beledweyne. Qaraxaasi waxaa ku dhintay 34 qof, 48 kalena way ku dhaawacmeen.

Waxaan jirin cid sheegatay masuuliyadda qaraxan ugu dambeeyay ee ka dhacay Buuloburde, hase yeeshee Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cabdullaahi Axmed Maalin (Sufurow) ayaa ku eedeeyay mintidiinta Al Shabaab.

Gudoomiyaha ayaa qoraal uu soo saaray kaga tacsiyeeyay intii ku dhimatay iyo intii kale ee ku dhaawacantay weerarkaasi argagixiso.

Ciidamada amniga ayaa saakay duleedka Magaalada Dhuusamareeb ku fashiliyay laba qarax oo la doonayay in gudaha loo geliyo magaaladaasi.

Shabaabka oo ka careysan gulufka dagaal ee kaga furan Gobolada Dhexe ayaa isku dayaya, sidii ay hawlgalkaasi militari u fashilin lahaayeen.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc