Home Wararka Maanta Qarax weyn oo ka dhacay afaafka hore ee Ceelbuur, markii ciidamadu gaareen

Qarax weyn oo ka dhacay afaafka hore ee Ceelbuur, markii ciidamadu gaareen

by Laacib

Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ayaa si weyn ugu sii siqaya Magaalada Ceelbuur ee Bariga Gobolka Galgaduud.

Ciidamada oo dhowr jiho ka kulaalaya magaaladaasi ayaa qaybtooda hore waxaa la soo sheegaya in ay gaareen deegaanka Ari-dudis oo illaa 8km u jirta magaalada.

Wararka ayaa sheegaya in gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ciidamada lagu la weeraray deegaankaasi. Weerarka ayaa dhacay Salaaddii Jimcaha ka dib.

Ciidamada la weeraray ayaa la sheegaya in ay yihiin kuwii Isniintii qabtay deegaanka Wabxo, Khamiistiina ka soo ruqaansaday deegaanka ay deriska yihiin ee Dac.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in nin kaxeynayay gaariga weerarka loo adeegsaday uu ciidamada ku hakiyay deegaanka Ari-dudis.

Ma cadda khasaaraha uu gaystay qaraxaasi oo Al Shabaab ay sheegatay, iyadoona Saraakiisha Ciidamada Militariga aanay weli ka hadlin.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in cutubyo ka tirsan Ciidanka Danab iyo Guutada Cali bin Abii Daalib ay ku sugan yihiin deegaankaasi.

Ilo wareedyadu waxay sheegayaan in qaraxa ka dib ay duqayn is xigxigtay ka dhacday difaacyada ay maleeshiyada Al Shabaab ku leeyihiin afaafka hore ee Magaalada Ceelbuur.

Wararku waxay sheegayaan in ciidamada ku sugan Ari-dudis mooyee ay jiraan ciidamo kale oo ku faafaya dhulka hawdka ee ku teedsan Ari-dudis, qaarkoodna ayba ku sii socdaan Magaalada Ceelbuur.

Si kastaba ha-ahaatee ciidamada ayaa la filayaa in goor dhow ay gudaha u galaan Ceelbuur, oo Shabaabku ku leeyihiin saldhigooda Gobolada Dhexe.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc