Home Wararka Maanta Qarax xoogan oo ka dhacay Isgoyska Ifka Xalane ee Magaalada Muqdisho

Qarax xoogan oo ka dhacay Isgoyska Ifka Xalane ee Magaalada Muqdisho

by Laacib

Faah faahino ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo saaka ka dhacay Isgoyska Ifka Xalane ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamada amniga ayaa la sheegay in ay ka hortaggeen nin la socday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, oo doonayay in uu xoog kaga gudbo isgoyskaasi.

Ciidamada ayaa la sheegay in ay isku dayeen inay ismiidaamiyaha hakiyaan, balse uu si lama fillaan ahayd ugu qarxay goobtaasi, oo ku dhow Garoonka Kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in ninkaasi uu la socday gaari uu noociisu ahaa Leyla Calaawi, isla-markaana uu ku qarxay darbiga Waaxda Dhulbixinta ee Dowladda Hoose ee Xamar oo ku taala ka soo horjeedka isgoyskaasi.

Ciidamada ayaa Isgoyska Ifka Xalane ku leh bar kontorool oo lagu hubiyo amniga gaadiidka doonaya in ay magaalada uga soo gudbaan dhanka Waddada Warshadaha.

Ciidamo fara-badan oo ku baxay goobtaasi ayaa xiray waddada, waxayna hakad geliyeen isu socodkii halkaasi ka jiray.

Qaraxa ayaa gaystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, inkastoo aan macluumaad sax ah laga hayn inta uu khasaaruhu le’egyahay.

Gaadiidka gurmadka degdegga ee Ambulance ayaa la arkayay iyagoo gaaraya goobta ay wax ka dhaceen, kana qaadaya dadkii ku waxyeeloobay qaraxaasi.

Maamulka Gobolka Banaadir iyo laamaha amniga ayaan weli ka hadlin qaraxaasi, oo ay Al Shabaab sheegatay.

Qaraxa ayaa ahaa mid si weyn looga maqlay inta badan xaafadaha Magaalada Muqdisho.

Inkastoo billihii ugu dambeysay is bedel dhanka amniga laga dareemayay Caasimadda Muqdisho, haddana Shabaabka ayaa isku dayaya in ay qalqalgeliyaan ammaanka magaalada.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc