Home Wararka Maanta QM oo ku baaqday in Dowladda Federaalka iyo Puntland ay xal u raadiyaan khilaafkooda

QM oo ku baaqday in Dowladda Federaalka iyo Puntland ay xal u raadiyaan khilaafkooda

by Laacib

Wakiilka Qaramada Midoobey ee Somaliya, haweeneyda lagu magacaabo Catriona Laing ayaa hoggaamiyeyaasha siyaadadda ee dalka ugu baaqday in go’aan ka gaarista is bedelada lagu sameynayo Dastuurka Qabyo Qoraalka iyo hannaanka doorashooyinka soo socda ee dalka ay noqdaan mid ay dhinacyadu u dhan yihiin.

Catriona Laing oo khudbad dheer u jeedineysay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa soo hadal qaadday khilaafka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Puntland.

Catriona Laing ayaa walaac ka muujisay ka maqnaanshaha Puntlnad ee Shirka Golaha Wadatashiga Qaran, oo kulamadii ugu dambeeyay ee ka dhacay Magaalooyinka Baydhabo, Muqdisho iyo Dhuusamareeb aanu ka qaybgelin Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni).

Waxay sheegtay in is bedel kasta oo ku saabsan dastuurka iyo doorashada loo baahan yahay in dhinacyadu oo dhami ay u dhan yihiin.

“Waxaan rabaa inaan is dultaago dhammaan is bedelada lagu sameynayo dastuurka, oo ay ka mid tahay go’aan ka gaarista muddo kororsi inay ku saleysnaato wada xaajoodyo loo dhan yahay & wadar ogol iyo weliba geeddi-socod sharciyadeed.” Ayay tiri Catriona Laing.

Waxa kaloo ay tiri “Waxaan ka walaacsanahay in Puntland aanay ka qaybgelin Shirarkii Golaha Wadatashiga Qaranka, tan iyo bishii January ee sanadkan 2023.”

Haweeneydan ayaa Dowladda Federaalka iyo Puntland ugu baaqday in ay meel dhexe isugu yimaadaan, si ay xal ugu helaan khilaafkooda.

“Waxaan ugu baaqaya Dowladda Federaalka iyo Maamulka Puntland inay raadiyaan qaab ay meel dhexe isugu iman karaan, isla-markaana ay ka wada xaajoodaan wixii dhexdooda ah, si ay u suurtagasho dhameystirka dastuurka.” Ayay tiri Catriona Laing.

Catriona Laing ayaa hadalkeeda ku xoojisay “Dib-u-eegista iyo dhameystirka dastuurka waxa uu udub-dhexaad u yahay ajandooyinka dowlad dhiska Somaliya, wuxuuna furre u yahay heshiisyo laga gaaro nidaamka federaalka.”

Madaxweyne Deni ayaa la fahamsan yahay in Madaxda Dowladda Federaalka uu kala dhaxeeyo khilaaf salka ku haya arrimo siyaasadeed.

Deni ayaa 30-kii bishii May ku hanjabay in Puntland ay si gaar ah u dhaqmi doonto, ka dib markii uu si adag uga horyimid heshiiskii ay 27-kii bishaasi Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran ku gaareen Magaalada Muqdisho, ee la xiriiray in dalka oo dhan ay ka qabsoomto doorasho qof iyo cod ah, taas oo ay ku tartamayaan laba xisbi oo keliya, dalkuna uu yeesho Madaxweyne iyo Madaxweyne Kuxigeen, oo bedelaya nidaamka hadda jira ee Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc