Home Wararka Maanta Qoorqoor, Cabdi Qaybdiid iyo Dhabancad oo gaaray Magaalada Muqdisho

Qoorqoor, Cabdi Qaybdiid iyo Dhabancad oo gaaray Magaalada Muqdisho

by Laacib

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Xildhibaan Cabdisalaan Xaaji Axmed Dhabancad oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Senator Cabdi Xasan Cawaale (Cabdi Qaybdiid) oo ka tirsan Senatorada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa gaaray Magaalada Muqdisho.

Masuuliyiintan ayaa la sheegaya in dhaawac fudud ka soo gaaray weerarkii ismiidaaminta ee Jimcihii ka dhacay deegaanka Laas-gacamey ee Gobolka Mudug.

Wasiirka Amniga Galmudug, Maxamed Cabdi Aadan (Gaboobe) ayaa sheegay in masuuliyiinta uu dhaawac fudud ka soo gaaray dhismihii ay deganaayeen oo sida uu sheegay ku soo dumay.

Wasiirka Amniga Galmudug ayaa sheegay inaanu weerarkan wax saameyn ahi ku yeelan doonin hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

“Wax saameyn ah kuma yeelanayo dagaalka, ciidamadana way sii wadayaan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray “Waa soconaya dagaalka, illaa Khawaarijta laga sifeeyo dalka oo dhan.”

Masuuliyiinta ayaa gobolka u joogay dhiirigelinta ciidamada iyo dardargelinta gulufka militari ee lagu wiiqayo kooxaha argagixisada.

Nin la socday gaari Leyla Calaawi ahaa oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa weeraray goobta ay masuuliyiinta ka deganaayeen Laas-gacamey, inkastoo ciidamadu ay rasaas xoogan huwiyeen gaarigaasi, keentayna in gaarigu uu ku qarxo goob wa xoogaa ka durugsan hoygii ay madaxdu ku sugneyd.

Shabaabka ayaa isku dayaya in mar kale ay fashiliyaan gulufka ballaaran ee haatan kaga furan deegaanada Galmudug.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc