Home Wararka Maanta Qorshaha dagaal ee Gobolka Mudug iyo sida ay ciidamada isugu xirmayaan

Qorshaha dagaal ee Gobolka Mudug iyo sida ay ciidamada isugu xirmayaan

by Laacib

Wararka ka imaanaya Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga Dalka ay ku sii siqayaan deegaanka Miiroon ee koonfurta Gobolka Mudug.

Ciidamadan oo deegaanka Caad ka kulaalaya dhanka waddada ka timaada Degmada Xarardheere ayaa waddada xiriirisa Miiroon iyo Caad ka wada hawlgal ay jidka kaga sifeynayaan maleeshiyada Al Shabaab.

Ciidamadu waxay la hawlgalayaan ciidamo kale oo dhanka Cammaara ka soo socdo oo kaabiga ku haya deegaanka Caad, oo Shabaabku ku leeyihiin mid ka mid ah saldhigyadooda ugu waaweyn ee gobolka.

Ciidanka Xoogga Dalka, kuwa Daraawiishta Galmudug iyo dadka deegaanka ee la abaabulay oo hawlgalka iska kaashanaya ayay Sabtidii dagaalo culus ku qabsadeen tuulooyinka Baraag Ismaaciil, Tabarmoog iyo Baraag Hurdaaye.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug, Abshir Cabdi Shiiqow ayaa sheegay in dagaalka ka dhacay Baraag Ismaaciil ay ciidamadu ku dileen ku dhawaad 20 xubnood oo ka tirsan maleeshiyada Shabaabka.

Wasiirka ayaa sheegay in ciidamadu ay u suurtagashay in ay si buuxdo ula wareegaan gacan ku haynta Baraag Ismaaciil, isla-markaana ay uga sii socdaan dhanka Miiroon.

“Maalmihii ugu dambeeyay ciidamadu waxay sameynayeen hawlgalo bartilmaameed leh ay ku beegsanayaan goobaha Al Shabaab ay ku sugan yihiin.” Ayuu yiri Wasiirka.

Ciidamada ku wajahan Miiroon ayuu qorshuhu yahay in sidoo kale ay qabtaan deegaanada Eryaal iyo Miliqo, iyadoona ay tahay in ay ku xirmaan ciidamada kale ee kaabiga ku haya Caad.

Ciidamada oo si taxadar leh uga hawlgalaya labada dhinac ayaa marba marka ka dambeysa soo yareynaya masaafada ay isu jiraan, Inkastoo ay meelaha qaarkood weeraro jidgal ah kala kulmayaan Shabaabka ka soo rogmanaya dhanka hawdka.

Diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga oo ka qayb qaadanaya hawlgalka ayaa xilliyada qaarkood garaacaya goobaha loo arko in ciidamadu ay culeysyo kala kulmi karaan.

Abshir Cabdi Shiiqow, Wasiirka Warfaafinta Galmudug ayaa sheegay in weerarada xagga cirka ay muhiim u yihiin dagaalkan lagu wiiqayo Shabaabka hubeysan.

“Duqaynta waxay ka mid tahay kabihii lagu la dagaalamayay kooxdan Al Shabaab oo in muddo ahba ku xoog badnayd deegaanada hadda lagu la dagaalamayo.” Ayuu yiri Wasiirka.

Hawlgalkan ayaa qayb ka ah istiraatiijiyadda dagaal ee xididada loogu siibayo Shabaabka, loogana xoreynayo deegaanada Galmudug iyo Hirshabelle.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc