Home Wararka Maanta Qorshaha loo dejiyay in lagu xoreeyo Gobolada Dhexe iyo waxa laga filan karo

Qorshaha loo dejiyay in lagu xoreeyo Gobolada Dhexe iyo waxa laga filan karo

by Laacib

Hawlgalka militari ee Talaadadii ka bilowday Gobolka Galgaduud ayaa udub-dhexaad u noqon doona qorshaha uu Taliska Ciidanka Xoogga Dalka u dejiyay in maleeshiyada Al Shabaab lagaga saaro deegaanada Galmudug iyo Hirshabelle.

Hawlgalkan ayaa qorshihiisu yahay inaanay ciidamadu ku degdegin la wareegista magaalooyinka iyo deegaanada ay Shabaabku kaga harsan yihiin bartamaha dalka, iyadoo aanay ciidamadu marka hore xaqiijin amniga dhulka miyiga iyo hawdka lama deggaanka, ee ay iska soo abaabuli karaan maleeshiyada, weerarana aysan uga gaysan magaalooyinka iyo deegaanada la qabto.

Khubarada militariga ayaa sheegaya in tani looga gol leeyahay in lagu kala dhantaalo amaba lagu wiiqo cududda ciidan ee Al Shabaab, si meesha looga saaro khatarta amni ee mustaqbalka dhow ku yeelan karaan goobaha la xoreeyay, ciidamada amniga iyo maamuladana ay muddo fog ugu sii sugnaadaan, iyadoo aanay khatar amni jirin.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inay wax ka bedeleen qorshihii dagaal ee sanadkii hore lagu wajahay Shabaabka hubeysan.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ay wax ka barteen wejigii hore ee dagaalka, taasina ay keentay ka hor inta aan magaalooyin la gelin in ay ciidamadu sugaan amniga deegaanada ka baxsan degmooyinka.

Madaxweynaha oo habeen hore kulan dadweyne kaga qaybgalay Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in qidadda dagaal ee hadda ciidamada ku hawlgalayaan ay meesha ka saareyso cabsida Shabaabka looga qabi karo suurtagalnimada inay dib ula wareegaan goobihii laga saaray.

“Sanadkii hore markaan dagaalameynay waxaa bartilmaameed noo ahaa degmooyinka, degmo hebel in la xoreeyo. Marka inta cadowgan la jiiro oo xoog loo sheegto oo la kala eryo ayaa degmadii la tegayay.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa yiri “Meeshii ciidanka tegay ebid ma joogayaan, tuulo kasta iyo degmo kastana Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed inuu taagnaado oo qori ku difaaco ma ahan, istiraatiijiyaddii ayaan bedelnay, fekerkii horaa wax ka bedelnay, khibraddii iyo waayo-aragnimadii wixii hore aan ka dhaxalnay ayaan isticmaalnay. Hadda Ceelbuur waxaan tagaynaa annagoo dhulka ka sokeeyo oo dhan nadiifinay, oo armaa gadaashiin inta lagu soo duulo oo la qabsadaa aanay nagu jirin.”

Ciidamada Militariga iyo xoogaga deegaanka ee hawlgalka ka wada Gobolka Galgaduud ayaa ku sii gurguranaya deegaanada Wabxo iyo Cowsweyne, oo fure u ah gulufka ballaaran ee lagu qabanayo Ceelbuur iyo Galhareeri.

Ciidamada oo adeegsanaya istiraatiijiyadda dagaal ee loo dejiyay ayaa si taxadar badan uu ka muuqdo ugu safraya waddooyinka ay u marayaan deegaanadaasi, iyagoona waddooyinka ka saaray miinooyin fara-badan.

Ciidamada jidka ku sii jiro mooyee cutubyo kale oo ciidamada ka mid ah ayaa ku baxay jihooyin kale, oo tagga dhulka fogfog ee miyiga iyo hawdka lama deggaanka ah, halkaas oo la soo sheegayo in ay ku baacsanayaan kooxo yaryar oo kuwa Shabaabka ah, kuwaa oo u muuqday in loo diyaariyay in ay dib ugu soo laabtaan waddooyinka, kolka ciidamadu ay afka aadiyaan magaaloooyinka.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga, General Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sheegaya in ciidamada isku ballaarinaya dhulkaasi ay ku guda jiraan sida uu yiri hawlgal sifeyn ah.

Cowsweyne iyo Wabxo ayaa la fahamsan yahay in ay muhiim u yihiin joogitaanka Shabaab ee Galhareeri iyo Ceelbuur, iyaga oo deegaanadaasi ku leh dhufeysyo ay ka difaacayaan lababadaasi magaalo.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay maalmaha dhow foodda is dari doonaan Shabaabka fariisimaha ku leh Wabxo iyo Cowsweyne, marka aad eegto in raaca hore ee ciidamada ku sii dhawaanayaan deegaanadaasi, raaca dambena ay dhabahooda soo hayaan.

Ciidamada ayaa la filayaa in ay Wabxo uga sii gudbaan deegaanada Dac, Jacar iyo Ceelgaras, oo sidoo kalena ay qaybahooda ku fidi doonaan dhulka hawdka, illaa ay ka gaarayaan Ceelbuur.

Ciidamada kale ee kulaalaya Cowsweyne ayay tahay inay isku fidiyaan deegaano ay ka mid yihiin Burtuble, Tawakal, Waniinle iyo Gal-libaax, illaama ay ka gaarayaan Galhareeri.

Xoogaga deegaanka ee la abaabulay, isla-markaana dhulka kala garanaya ayaa ciidamada ku hoggaaminaya rug kasta iyo goob waliba oo Shabaabku gabbaad ka dhigan karaan.

Hawlgalku ayaa bilowgiisii hore la sheegayay in ciidamadu ay muddo kooban ku qaban doonaan degmooyinka iyo deegaanada maqan, balse marka aad eegto sida gaabiska ah ay ciidamada ku socdaan, isla-markaana ay geed geed ugu xaqiijinayaan amniga dhulka miyiga iyo hawdka ayaa la arki karaa in hawlgalku uu jiitami doono, hase yeeshee miro-dhalkiisa ayaa noqon kara in ciidamadu ay ka gungaaraan weeraradii jidgalka iyo go’doomintii ay Shabaabku ku sameyn jireen deegaanada iyo magaalooyinka laga la wareego.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa 5-tii bishan Magaalada Dhuusamareeb ka sameystay bar uu kala socdo dagaalkan ay tahay in araxda looga jebiyo Shabaabka Gobolada Dhexe.

Sidoo kale Saraakiisha sarsare ee Ciidamada Militariga, oo ay ugu horreyaan Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Axmed Aadan Cali iyo Kuxigeenkiisa General Cabdullaahi Aadan Xuseen (Cirro) ayaa ku sugan bartamaha dalka.

Dad badani ayaa joogitaanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee Galmudug u arka mid ciidamada iyo xoogaga deegaanka ku riixeysa in ay dardargeliyaan istiraatiijiyadda dagaal, ee ay ciidamadu ugu deegaan bedelanayaan dhulka ay muddada fog Shabaabku ka arriminayeen.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa dadaal ugu jira, sidii ay uga dhabbeen laheeyeen ballanqaadkii Madaxweyne Xasan Sheekh ee ahaa in ciidamadiisu ay kabtoodu gedin doonaan maleeshiyada Al Shabaab.

Ciidamada oo si dhameystiran u soo afjara Shabaabka Galmudug ayaa dhabaha u xaareysa in Dowladda Federaalka iyo Taliska Militariga ay u qalab qaataan hawlgalka xigga ee lagu xoreynayo deegaanada galbeed ee labada gobol ee Hirshabelle.

Marka aad milicsato taatikada ciidan ee la rabo in afka ciidda loogu geliyo Shabaab ayaa waxaa kuu baxeysa in cadowga ummadda Soomaaliyeed ay wajahayaan marxaladdii ku habbooneed, haba laga soo dib dhacee.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc