Home Wararka Caalamka Qowmiyadda Masalit-ka oo lagu laayay Gobolka Galbeedka Suudaan ee Darfur

Qowmiyadda Masalit-ka oo lagu laayay Gobolka Galbeedka Suudaan ee Darfur

by Laacib

Qaramada Midoobey ayaa Khamiistii sheegtay in xabaal wadareed laga helay Gobolka Galbeedka Suudaan ee Darfur, oo ay ku aasan yihiin 87 qof.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in dadka ku aasan xabaal wareedkaasi cusub ay yihiin qowmiyadda Masalit-ka ee gobolkaasi degta, taas oo muujineysa in gobolku uu ka socdo dagaal isir qowmiyadeed.

Madaxa Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey, Volker Türk ayaa sheegay inay hayaan caddeymo lagu kalsoonaan karo oo ku aaddan in Ciidamada Gurmadka Degdegga ee RSF ay ka masuul yihiin falka lagu laayay dadkaasi.

Volker Türk ayaa sheegay in dadka deegaanka lagu khasbay inay meydadkaasi ku aasaan duleedka Magaalada el-Geneina, intii u dhaxeysay 20-21-kii bishii June.

Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in Ciidanka RSF iyo maleeshiyaadka Carabta ay beegsadeen dadka Masalit-ka, ee aan Carabta ahayn ee ku dhaqan gobolka.

“Waxaan si adag u cambaareynayaa dilka loo gaystay dadka rayidka ah iyo kuwa kale ee dagaalka ku lugta leh. Waxaan aad uga naxay sida naxariis darrada ah ee dadka loo laayay iyo qaabka guracan ee loola dhaqmay qoysaskooda iyo bulshooyinkooda.” Ayuu yiri Volker Türk.

Volker Türk ayaa ku baaqay in la baaro gabood-falada ka soconaya gobolka, si sharciga loo horkeeno dembiileyaasha.

Xoogaga RSF ayaa si adag isaga fogeeyay eedeymahaasi, iyagoona eedeymahan ku sheegay arrin siyaasadeed oo ay gadaal ka riixayaan dadka Masalit-ka.

Saraakiisha RSF ayaa sheegaya inay u hoggaansami doonaan baaritaanka lagu baaqay iyo inay soo gudbinayaan cid kastoo xoogagooda ka tirsan ee gabood-faladaasi lagu helo.

Goor sii horreysay ayaa waxaa soo baxay warar sheegaya in sidoo kale la beegsaday dad ka soo jeeda qowmiyadda Carabta ee isbahaysiga la ah Militariga Suudaan, ee uu hoggaamiyo General Abdel Fattah al-Burhan.

Dagaalka u dhaxeeya General al-Burhan iyo kuxigeenkiisii hore General Mohamed Hamdan Dagalo ayaa cagaha la galay dagaal sokeeye, tani oo dagaalka ka dhigeysa mid sii daba dheeraada.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc