Home Wararka Maanta R/wasaare Barre oo xarigga ka jaray Waddada Xoosh illaa Ex Kontorool Afgooye (SAWIRRO)

R/wasaare Barre oo xarigga ka jaray Waddada Xoosh illaa Ex Kontorool Afgooye (SAWIRRO)

by Laacib

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xarigga ka jaray dhismaha waddada laamiga ee isku xirta Xoosh illaa Ex Kontorool Afgooye ee Magaalada Muqdisho.

Raysal Wasaaraha ayaa sheegay horumarka ay ku tallaabsatay caasimaddu in aan la xaqiijin lahayn, haddii aan amniga wax laga qaban, isaga oo xusay in horumarka iyo amnigu ay yihiin laba isku xiran, oo haddii mid la wayo kan kalena uu meesha ka baxayo.

Raysal Wasaaraha Xukuumadda ayaa Maamulka Gobolka Banaadir iyo hay’adaha ammaanka uga mahadceliyay, sida ay uga go’an tahay nadiifinta magaalada, si dib loogu soo celiyo bilicdii iyo amnigii ay ku suntaneyd caasimaddu.

“Nabaddu waa tilmaamta quruxda iyo bilicda, marka meel kasta laami la saaro, waxaa kor u kaca nabadda, dhaqaalaha iyo bilicda, dhismaha jidadku waxa ay muwaadinka u sahlayaan isu socodka.” Ayuu yiri Raysal Wasaare Barre.

Raysal Wasaare Barre ayaa ugu baaqay muwaadiniinta Soomaaliyeed in canshuurta ay bixiyaan, si loogu horumariyo dib-u-dhiska dalka, waxaana uu faray dadka degan xarumaha danta guud ah in ay banneeyaan, si bulshada loogu adeego, dibna loogu dhiso.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc