Home Wararka Maanta Rag hubeysan oo haweeney ku dilay Magaalada Caabudwaaq

Rag hubeysan oo haweeney ku dilay Magaalada Caabudwaaq

by Laacib

Wararka ka imaanaya Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in rag hubeysan ay haweeney ku dileen magaaladaasi.

Haweeneyda oo lagu magacaabi jiray Foos Aadan Nuur Xuubey ayaa xalay lagu dilay xaafadda Ubax, xilli ay ku sii jeedday hoygeeda oo ku yaalay xaafaddaasi.

Haweeneydan oo dhaawac ahaan halkaasi looga qaaday ayaa isbitaalka ugu geeriyootay dhaawicii ka soo gaaray rasaastii ay raggaasi la dhaceen.

Raggan oo aan si rasmi ah loo garanayn waxa ay yihiin ayaa falka ka dib isaga baxsaday goobta.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in raggaasi ay doonayeen inay dhac u gaystaan haweeneydaasi, waana xilli muddooyinkii ugu dambeysay ay falalka dhaca ku soo badanayeen magaaladaasi.

Ciidamada Booliska oo tan iyo xalay waday hawlgal ay ku baadigoobayaan raggaasi ayaa waxaan jirin cid la sheegay inay u soo qabteen dilka haweeneydaasi.

Maamulka Caabudwaaq iyo hay’adaha ammaanka ayaan weli ka hadlin dilkan ugu dambeeyay ee xalay ka dhacay magaalada.

Dhacdadan ayaa imaanaysa, xilli labadii toddobaad ee ugu dambeysay ay kordheen dilalka haweenka loogu gaysanayo dalka.

Muqdisho, Qoryooley iyo Beledxaawo ayaa waxaa ka dhacay dilal loo gaystay hooyooyin Soomaaliyeed, inkastoo haweenka lagu dilay Muqdisho iyo Qoryooley la sheegay in ay sababsadeen gacanta raggii qabay, kuwaa oo hadda ku jira gacanta laamaha amniga, lana fillayo in sharciga la horkeeno.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc