Home Dhacdooyin Raggii dadka ku laayay Magaalada Moscow oo maxkamad la soo taagay (SAWIRRO)

Raggii dadka ku laayay Magaalada Moscow oo maxkamad la soo taagay (SAWIRRO)

by Laacib

Ruushka ayaa maxkamad soo taagay afarta nin ee loo haysto inay habeenkii Jimcaha toogashada ka gaysteen Magaalada Moscow.

Raggan ayaa la horkeenay Maxkamadda Degmada Basmanny ee Caasimadda Moscow, si ay u soo saarto ruumaan ama xabsi xalaaleyn, ka dibna ay u bilowdo dhageysiga eedeymaha loo haysto.

Saddex ka mid ah ayaa maxkamadda la keenay iyagoo indhaha ka xiran, halka kan afaraadna la keenay isagoo lagu wado gaariga lagu kaxeeyo dadka naafada ah. Dhammaantood waxaa ka muuqanayay in la jirdilay.

Warbaahinta Ruushka ayaa sheegtay in Xafiiska Xeer Ilaalinta uu ku soo oogay dacwad la xiriirta falal argagixiso.

Wakaaladda Wararka RIA ayaa ku warantay in eedeysaneyaasha ay wajihi karaan xabsi daa’in.

Maxkamadda ayaa magacyada raggan ku kala sheegtay Dalerdzhon Mirzoyev, Saidakrami Murodali Rachabalizoda, Shamsidin Fariduni iyo Muhammadsobir Fayzov.

Qoraal ka soo baxay maxkamadda ayaa lagu sheegay in Dalerdzhon Mirzoyev, oo ah muwaadin u dhashay dalka Tajikistan uu si buuxdo u qirtay dacwadda lagu soo oogay.

“Saidakrami Murodali Rachabalizoda ayaa isna qirtay dembigiisa.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ayaa lagu sheegay “Afartuba waa in lagu sii hayaa xabsiga, illaa iyo inta laga gaarayo 22-ka bisha May.”

Xafiiska Warbaahinta ee Maxkamadda Degmada Basmanny ayaa sidoo kale baahiyay sawirrada eedeysaneyaasha.

Dowladda ayaa ciidamo fara-badan ku soo daadisay waddooyinka soo gala xarunta maxkamadda, xilligii raggaasi la horkeenayay maxkamadda.

Dhammaan afarta nin ee ku eedeysan in ay ka masuul yihiin toogashada ka dhacday hoolka Crocus ayaa ah ajaaniib, sida ay xaqiijisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Ruushka.

Raggan ayaa loo haystaa in ay rasaas huwiyeen dadweyne bandhig faneed kaga qaybgelayay hoolka riwaayadaha ee Crocus.

Ugu yaraan 137 qof oo carruur ay ku jiraan ayaa ku dhintay weerarkan oo masuuliyaddiisa ay sheegatay Daacish, in ka badan 140 kalena ay ku dhaawacantay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc