Home Wararka Maanta Rayidka ay Ciidamada Israel ku xasuuqeen Gaza oo tiradoodu ay gaartay 33,000 oo qof

Rayidka ay Ciidamada Israel ku xasuuqeen Gaza oo tiradoodu ay gaartay 33,000 oo qof

by Laacib

Ciidamada Israel ayaa weli sii wada dilalka aan kala sooca lahayn ee ay dadka rayidka ah ugu gaysanayaan Marinka Gaza.

Tan iyo markii uu bilowday dagaalkan u dhaxeeya Ciidamada Israel iyo Xamaas, tirada dadka rayidka ah ee lagu dilay Gaza ayaa gaartay 33,000 oo qof, halka 75,577 kalena ay ku dhaawacmeen.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa Ciidamda Israel ku eedeysay in si indho la’aan ah ay u leynayaan shacabka Falastiiniyiinta ee wajahaya xaaladdii ugu adkeyd.

Wasaaraddu waxay sheegtay in xilli ay dadku la tacaalayaan gaajo, biyo iyo dawo la’aan ay haddana Israel ugu dartay dil iyo dhaawac joogto ah, isla-markaana ay Gaza ka abuurtay xaalad quus ah.

Ashraf Al-Qedra, Afhayeenka Wasaaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegay in Ciidamada Israel ee ku soo duulay Marinka Gaza iyo diyaaradahooda dagaalka ay shacabka ku beegsanayaan goobaha ay gabaadka ka dhiganayaan, isla-markaana ay u dilayaan si naxariis darro ah.

Dhanka kale Xafiiska Warbaahinta Xamaas ayaa Arbacadii sheegay in tirada Saxafiyiinta ee lagu dilay Gaza ay gaarayaan 140 Wariye.

Dhacdooyinka naxdinta leh ayaa noqday kuwo si maalinle ah ay Warbaahinta uga soo wariso dhulka sida adag loo go’doomiyay.

Israel ayaa dhegaha ka fureysaneysa baaqyada caalamiga ah ee looga dalbanayo inaanay bartilmaameed noqon dadka rayidka ah.

Dunida ayaa si weyn uga walaacsan kororka dhimashada iyo dhaawaca ee dadka aan waxba galabsan.

Israel ayaa si cad ugu xadgudubtay shuruucda caalamiga ah ee bani’aadantinimada iyo kan dagaalka, waxaadna mooddaa in ay tijaabineyso dunida, maadaama aysan weli muuqan cid si adag ugu la xisaabtameysa gabood-faladeeda Gaza, walow uu xoogeysanayo baraarugga shucuubta caalamka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc