Home Wararka Caalamka Rayidka ka baxsanaya waqooyiga Gaza oo la bartilmaameedsanayo

Rayidka ka baxsanaya waqooyiga Gaza oo la bartilmaameedsanayo

by Laacib

Guddiga Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas ayaa sheegay in xaalad halis ah ay wajahayeen dadka lagu wargeliyay in ay banneeyaan waqooyiga Gaza, isla-markaana ay taggaan koonfurta magaalada.

“Dadka rayidka ah ee ka baxsanaya waqooyiga Gaza, waxay wajahayaan xaalad halis ah, oo aan aad uga walaacsanahay.” Ayaa lagu yiri war ay soo saartay Laanqayrta Cas.

Warka ayaa lagu sheegay in dad ka cararay waqooyiga, kuna sii jeeday koonfurta Gaza lagu dilay waddada.

“Waxaan aad uga walaacsanahay xaaladaha khatarta ah iyo kuwa aan badbaadada lahayn, ee ay la kulmayaan dadka rayidka ah ee ka cararaya waqooyiga Gaza.” Ayaa lagu yiri warka.

Warka ayaa lagu yiri “Waa inay si badbaado leh dadku uga baxaan waqooyiga Gaza, isla-markaana aan la gelin khatar dheeraad ah, marka ay isku dayayaan inay baxsadaan. Ragga, haweenka iyo carruurta oo lulaya calamo cad ayaa waxay soo lugeeyaan tobanaan kilomitir, iyaga oo aan haysan cunto iyo biyo.”

Laanqayrta Cas waxay sheegtay in koonfurta Gaza aanay dabooli karin baahida dadka faraha badan ee ku soo qulqulaya.

“Koonfurta Gaza uma diyaarsana inay qaabisho dadka tirada badan ee imaanaya, iyaga oo aan haysan wax aan ahayn dharka ay xiran yihiin, gargaarka bani’aadantinimo ee imaanayana kuma filna.” Ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Laanqeyrta Cas.

Marar badan ayay Ciidamada Israel bartilmaameedsadeen dad rayid ah oo u baxsanayay dhinaca koonfurta Gaza, waana dadkii ay u sheegeen inay halkaasi taggaan, si dhanka waqooyi ay uga sifeeyaan Xoogaga Xamaas.

Saraakiisha Qaramada Midoobey ayaa sheegay inaysan amni ahayn koonfurta iyo waqooyiga Gaza, marka aad eegto weerarada joogtada ah ee ay Ciidamada Israel ka gaysanayaan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc