Home Wararka Caalamka Raysal Wasaaraha Britain oo ka hadlay xalka colaadda Falastiiniyiinta iyo Israel

Raysal Wasaaraha Britain oo ka hadlay xalka colaadda Falastiiniyiinta iyo Israel

by Laacib

Raysal Wasaaraha Britain, Rishi Sunak ayaa sheegay in loo baahan yahay in la soo afjaro colaadda muddada dheer ka taagan Bariga Dhexe ee u dhaxeysa Israel iyo Falastiiniyiinta.

Raysal Wasaaraha Britain ayaa sheegay in iyadoo ay muhiimadda koowaad tahay in wax laga qabto xiisadda labada dhinac iyo dhibaatada Gaza, haddana ay lagama maarmaan tahay in la xaqiijiyo xasilloonida mustaqbalka ee gobolka.

Raysal Wasaaraha ayaa ku baaqay in la abuuro aragti cusub oo siyaasadeed, iyadoo markaasi ay dunida ka wada shaqeynayso, sidii loo heli lahaa laba dowladood, oo uu ku qeexay inay tahay xalka keliya ee nabadda lagu heli karo.

“Xalka laba dowladood oo lagu xaliyo khilaafka Israel iyo Falastiin waa jawaabta keliya ee ogolaan karta in mustaqbal cusub uu ka dhasho gobolka.” Ayuu yiri Raysal Wasaaraha.

Waxa uu ballanqaaday in Boqortooyada Midowday ee UK ay dadaal badani ku bixin doonto, sidii loo xaqiijin lahaa laba dowladood.

“Waa inaan u midownaa jawaabta keliya ee ku soo dhawaan karto nabad ka abuurista dhulkaas dhibaatadu ka jirto. Jawaabta qura ee qiri karta taariikhda iyo dhaawaca labada shacab waa in la helo laba dowladood.” Ayuu Raysal Wasaaruhu ka sheegay shir jaraa’id.

Dhanka kale Rishi Sunak, Raysal Wasaaraha Britain ayaa Israel ugu yeeray in ay is xakameyso, isla-markaana ay ilaaliso badqabka dadka rayidka ah iyo kaabeyaasha rayidka, oo ay ku jiraan isbitaalada.

“Waa inay qaadaan tallaabooyinka lagu ilaalinayo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan, oo ay ku jiraan goobaha caafimaadka, joojinta rabshadaha xagjirka ah ee Daanta Galbeed iyo in la ogolaado in gargaar dheeraad ah uu gaaro Marinka Gaza.” Ayuu yiri Raysal Wasaare Sunak oo intaasi ku daray in Israel looga baahan yahay in ay ku dhaqanto shuruucda caalamiga ah.

Raysal Wasaare Sunak ayaa yiri “Mahmoud Abbas, Madaxweynaha Maamulka Falastiiniyiinta waxa uu sharaxaad iga siiyay dhibaatada ba’an ee shacabka Falastiiniyiinta haysata.”

Sunak ayaa xusay in shacab badan ay naftooda ku weynayaan colaadda, taasina ay tahay sida uu yiri sababta ay Britain u laba laabtay kaalmadeeda bani’aadantinimo ee Gaza, isla-markaana ay u cadaadinayaan Israel, si gurmadka loo gaarsiiyo dadka u baahan.

“Waxaan rabnaa gargaar ka soo gala dhulka, cirka iyo badda, waxaana diyaar u nahay inaan u isticmaalno saldhigyadayada Qubrus (Cyprus) meel laga soo dejiyo.” Ayuu yiri Sunak.

Sunak ayaa intaa raaciyay “Taasi waxay la macno tahay bixinta taageerada dhabta ah ee la taaban karo, waxaana loo baahan yahay in la xoojiyo Maamulka Falastiiniyiinta, maxaa yeelay waa dhabaha ugu fiican ee lagu suulin karo ficilada xun ee Xamaas.”

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc