Home Wararka Maanta Raysal Wasaaraha Ingiriiska oo booqasho taariikhiya ku tegay Mareykanka

Raysal Wasaaraha Ingiriiska oo booqasho taariikhiya ku tegay Mareykanka

by Laacib

Raysal Wasaaraha Ingiriiska, Rishi Sunak ayay Arbacadii booqasho laba maalmood qaadan doonta ay uga bilaabatay Magaalada Washington.

Booqashadan ayaa ah tii ugu horreysay ee dalka Mareykanka uu ku taggo, tan iyo markii uu xilka qabtay bishii October.

Raysal Wasaaraha ayaa Khamiistan Aqalka Cad kulan kula leh Madaxweyne Joe Biden, iyagoona ka wada hadli doona dagaalka Ukraine iyo taageerada militari ee la siiyo dowladda dalkaasi.

Raysal Wasaaraha ayuu yoolkiisu yahay in labada dowladood ay iskaashi dhow ka yeeshaan, waxa lagu sheegay khataraha ka imaanaya Ruushka iyo xulafadiisa.

Ingiriiska iyo Mareykanka waxaa lagu tilmaamaa labada dal ee ugu weyn ee kaalmada militari siiya Dowladda Ukraine.

Ukraine ayaa dagaal adag kula jirta Ruushka, oo bishii February ee sanadkii hore weeraray dalkaasi.

Ukraine ayaa damacsan inay sii waddo dagaalka ka dhanka ah Ruushka, si ay dib ugu soo ceshato dhulka uu ka qabsaday bilowgii dagaalka.

Ciidamada Ruushka ayaa dagaalkan ku qabsaday boqolkiiba labaatan (20%) dhulka Ukraine, iyadoona Ruushku uu qarameeyay afar ka mid ah gobolada dalkaasi. Baarlamaanka Ruushka ayaana horaantii bishii October cod aqlabiyad leh ku meelmariyay in Gobolada Donetsk, Luhansk, Kherson iyo Zaporizhzhia ay si rasmi ah uga mid noqdaan dhulweynaha Ruushka.

Duulaanka lix iyo tobanka bilood jirsaday ayaa waxaa ku dhintay tobanaan kun oo qof, oo u badan askarta labada dal, waxaana ku barakacay illaa 18 milyan oo shacabka Ukraine ah, kuwaa oo 8 milyan oo ka mid ahi ay maanta qaxooti ku yihiin dalalka Yurub.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc