Home Wararka Caalamka Raysal Wasaaraha Israel oo booqday meel ka mid ah Gaza (SAWIRRO)

Raysal Wasaaraha Israel oo booqday meel ka mid ah Gaza (SAWIRRO)

by Laacib

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa ku hanjabay in maamulkiisu uu xoojin doono dagaalka ay Ururka Xamaas kaga saarayaan Marinka Gaza.

Raysal Wasaaraha ayaa Isniintii meel ka mid ah Gaza ku booqday ciidamadiisa, isagoona sheegay inuusan hawlgalka ku dhawayn in uu dhammaado.

Raysal Wasaaraha ayaa wacad ku maray in Israel ay burburin doonto Ururka Xamaas ee ka arrimiya magaalada muddada dheer go’doonsan ee Gaza.

“Ma joogsan doono dagaalka, waana sii wadaynaa, waxaana maalmaha soo socda xoojin doonnaa dagaalka, wuxuuna noqon doonnaa mid dheer. Marka ma dhawa dagaalka.” Ayuu yiri Raysal Wasaaruhu.

Waxa uu ku celiyay in Israel ay ka go’an tahay in ay xoog ku soo furato la haysteyaasha Israeliyiinta ee xoogaga wax iska caabinta ku haystaan gudaha Gaza.

Benjamin Netanyahu, Raysal Wasaaraha Israel ayaa gelinkii dambe ee shalay Xildhibaanada Baarlamaanka u sheegay in cadaadiska Ciidamada Militariga uu horseeday in horey loo sii daayo daraasiin la haysteyaal ah.

“Ma awoodno inaan soo dayno dhammaan dadka la afduubay, haddii aysan jirin cadaadis ciidan, cadaadis hawlgal iyo mid siyaasadeed, sidaasi darteed hal shay ma dhici doonto, oo ah inaan dagaalka joojino.” Ayuu yiri Raysal Wasaare Netanyahu.

Raysal Wasaare Netanyahu oo mar dambe qoraal soo dhigay bartiisa X ayaa sheegay in booqashadiisii ciidamada uu u sheegay laba waxyaabood.

“Ciidamada waxaan u sheegay laba arrimood. Waxa ugu horreya waxaan samayn doonnaa wax kasta, si aan u ilaalino badbaadadiina iyo noloshiina. Midda labaad ma joojinayno dagaalka. Dagaalku wuu sii socon doonnaa, illaa dhammaadka. Illaa ay ka dhammaadaan Xamaas, wax intaas ka yar ma jirto.” Ayuu yiri Netanyahu.

Hadalka Netanyahu ayaa loo fasirtay in Ciidamada Israel ay ballaarin doonaan duqaymaha xargaha goostay ee ay ka wadaan Marinka Gaza.

Hadalkiisan ayaa imaanaya maalmo uun ka dib, markii Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken uu sheegay in Israel ay hoos u dhigto duqaymaha ay waddo, bacdamaa ay waxyeelo xoog leh ka soo gaareyso shacabka aan waxba galabsan.

Hay’adda Bisha Cas ee Falastiiniyiinta ayaa sheegtay in duqaymaha cirka ee Israel ay keentay in la xiro waddooyinka muhiimka ah ee u dhaxeeya xerada qaxootiga Maghazi iyo laba xero oo kale oo qaxooti ah, kuwaa oo kala ah Bureij iyo Nuseirat, ka dib markii duqaymuhu ay caqabad ku noqdeen ambalaasyada iyo kooxaha samatabixinta.

Duulaanka Israel ee Marinka Gaza oo isugu jira hawlgal dhinaca cirka iyo mid dhulka ah oo ciidamadeeda ka wadan magaalada ayaa galaaftay nolosha 20,674 qof oo u badan haween iyo carruur, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Gaza.

Duulaankan ayaa sababay in inta badan dhismayaasha magaalada ay burburaan, halka 1.9 milyan oo qofna ay ku barakacaan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc