Home Wararka Caalamka Raysal Wasaaraha Israel oo ka hadlay xilliga ay soo afjarayaan gulufka Gaza

Raysal Wasaaraha Israel oo ka hadlay xilliga ay soo afjarayaan gulufka Gaza

by Laacib

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa ku hanjabay in Israel ay sii wadi doonto dadaalada ay ku dooneyso in ay xididada ugu siibto Ururka Xamaas ee ka arrimiya Marinka Gaza.

Raysal Wasaaraha ayaa ku hanjabay inaanay ka laaban doonin burburinta Xamaas, gulufka lagu wiiqayana uu sii socon doono.

Raysal Wasaaraha ayaa ku goodiyay in maamulkiisu uu gobolka ka ciribtiri doono Xoogaga Xamaas, oo ka biyo diidan dhulka Falastiiniyiinta ay Tel Aviv xoogga ku haysato.

Raysal Wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay in hawlgalku uu soo geba-gaboobi doono, kolka Xamaas laga suuliyo Marinka Gaza.

“Xamaas waa in la burburiyaa, waa waddada keliya ee horseedeysa in dagaalka la soo afjaro.” Ayuu yiri Raysal Wasaaruhu.

Waxa uu sheegay in Israel ay hadda qorsheynayso hawlgal dhulka ah oo ciidamadeeda ay ka fuliyaan Gaza.

Waxa uu intaasi ku daray in dagaalku uu waqti dheer qaadan karo, bacdamaa ay damacsan yihiin in hawlgal guri guri ah oo lagu soo afjarayo joogitaanka Xamaas laga sameeyo magaaladaasi.

Benjamin Netanyahu, Raysal Wasaaraha Israel ayaa tilmaamay in dagaalka magaalooyinka uu ka dhib badan yahay dagaalada kale, balse ay samayn doonaan wax kasta oo khasaaraha ay ku yareyn karaan.

Raysal Wasaare Netanyahu ayaa Xamaas dusha u saariyay inay qaadeyso masuuliyadda khasaaraha dadka rayidka ah ka soo gaaraya falcelinta Israel, ka dib weerarkii ay horaantii bishan ka gaysteen dhulka la haysto.

Warbaahinta caalamiga ah ayaa sheegeysa in Saraakiisha Ciidamada Israel ay ka walaacsan yihiin khatarta ay la kulmi karaan in ka badan 200 oo reer Israel ah oo lagu haysto Gaza, marka ay ciidamadu bilaabaan hawlgalka sifeynta.

Hay’adda Sirdoonka Mareykanka ee CIA iyo Aqalka Cad ee dalkaasi looga arrimiyo ayaa Tel Aviv ugu baaqay inaanay ku degdegin hawlgalkeeda dhulka ee ka dhanka ah Xoogaga Xamaas.

Xoogaga Xamaas ayaa la sheegay in inta badan fariisimahooda ay ku leeyihiin godad dhulka hoostiisa ah, taas oo macnaheedu yahay in hawlgalka guri guriga ah ee la damacsan yahay in laga fuliyo Marinka Gaza uu sababi karo khasaare lixaad leh oo Ciidamada Israel ka soo gaara hawlgalkaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc