Home Wararka Caalamka Raysal Wasaaraha Israel oo ku dhawaaqay in uu bilowday wejiga labaad ee dagaalka

Raysal Wasaaraha Israel oo ku dhawaaqay in uu bilowday wejiga labaad ee dagaalka

by Laacib

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa ku dhawaaqay in uu bilowday wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah Ururka Xamaas ee maamula Marinka Gaza.

Raysal Wasaaraha ayaa sheegay in gulufka dhulka ee Gaza uu yahay wejiga xigga ee hawlgalka uu sheegay in lagu ciribtirayo Xoogaga Xamaas.

Raysal Wasaaraha oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Tel Aviv ayaa waxa uu sheegay in dagaalkan uu maamulkiisu la gelayo Xamaas uu noqon karo mid adag oo waqti dheer qaata.

“Tani waa wejigii labaad ee dagaalka, hadafkiisu waa cad yahay, waa mid militari ahaan lagu wiiqayo Xamaas, la haysteyaashana loogu soo celinayo guryahooda.” Ayuu yiri Raysal Wasaaruhu.

Raysal Wasaaraha ayaa yiri “Dagaalku waa bilow, waxaana ku burburin doonnaa cadowga dhulka korkiisa iyo hoostiisaba.”

Raysal Wasaare Netanyahu oo ku celiyay baaqa maamulkiisa ayaa dadka reer Gaza ugu baaqay in ay isaga baxaan waqooyiga Gaza, isla-markaana ay taggaan dhanka koonfureed ee magaalada, waana xilli Qaramada Midoobey ay sheegtay inaanay jirin meel ammaan ah oo maanta ku taala labada daamood ee Gaza.

Taliska Militariga Israel ayaa goor dambe sheegay in tirada maxaabiista Israeliyiinta ee lagu haysto Gaza ay hadda gaareyso 229 qof. Tirada maxaabiista ayaa ka korortay intii ay toddobaadkii hore sheegeen oo ahayd 212 qof.

Afhayeenka Militariga Xamaas ee Guutada Al-Qassam, Abu Obaida ayaa sheegay in Xoogaga Xamaas ay sugayaan in Ciidamada Israel ay lug ku soo galaan Marinka Gaza.

Afhayeenka ayaa sheegay in kooxaha wax iska caabinta ee Falastiiniyiinta ay si guud ugu diyaarsan yihiin in dagaalkan ay ku jebiyaan Sahyuuniyadda, sida uu yiri.

Madaxweynaha Falastiiniyiinta, Mahmoud Abbas ayaa dunida ku dhaliilay in ay ku guuldareysatay wax ka qabashada xasuuqa ay Ciidamada Israel u gaysanayaan dadka Gaza.

“Dadkeenna ku nool Marinka Gaza waxa ay wajahayaan dagaal iyo xasuuq ay u gaysanayaan Ciidamada Gumeysiga Israel, iyadoo ay indhaha ku hayaan caalamka oo dhan.” Ayuu yiri Madaxweyne Abbas.

Israel ayaa kaga sii dartay xaaladda bani’aadantinimo ee Gaza, ka dib markii habeen hore ay hawada ka saartay adeeggii isgaarsiinta iyo khadka internet-ka.

Madaxa Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey, Volker Türk ayaa sheegay in jarista isgaarsiinta iyo khadka internet-ka ay sii kordhisay dhibaatada ay la kulmayaan dadka reer Gaza. Volker Türk ayaa tibaaxay in gaadiidka gurmadka degdegga iyo shaqaalaha caafimaadka aysan awoodin inay gurmad u fidiyaan dhaawacyada, haddii uu go’ay xiriirkii isgaarsiinta ee ay lahaayeen.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc