Home Wararka Caalamka Raysal Wasaaraha Israel oo ku hanjabay in ay burburin doonaan Magaalada Beeruut

Raysal Wasaaraha Israel oo ku hanjabay in ay burburin doonaan Magaalada Beeruut

by Laacib

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa ku hanjabay in ay burburin doonaan Caasimadda Beeruut iyo guud ahaanba koonfurta Lubnaan.

Raysal Wasaaraha Israel ayaa Khamiistii booqday Ciidamada Israel ee ku sugan xuduudda Israel iyo Lubnaan, isaga oo u kuurgelayay xaaladda ciidamada ilaalinaya amniga xadka waqooyi ee Israel.

Raysal Wasaaraha ayaa Ururka Xisbullah ee ka arrimiya koonfurta Lubnaan uga digay, waxa uu ku sheegay gardaradooda.

Waxa uu ku hanjabay in Beeruut iyo koonfurta dalkaasiba ay ka dhigi doonaan sida Marinka Gaza oo kale, haddii aanay Xisbullah joojin weeraradeeda Israel.

“Waxaan soo jeedinayaa in cadowgeennu ay u fiirsadaan ciidamadayada, sababtoo ah haddii Xisbullah ay go’aansato inay furto dagaal dhan walba ah, markaas waxay gacanteeda ku wareejin doontaa Beeruut iyo koonfurta Lubnaan, oo aan halkan ka fogayn.” Ayuu yiri Raysal Wasaaruhu.

Raysal Wasaaraha ayaa intaasi ku daray “Waxaa naga go’an inaan gaarno guul, waana guuleysan doonnaa, annagoo kaashanayna ciidamadeenna.”

Hadalka Raysal Wasaaraha ayaa daba socdo tiro gantaalo ah oo shalay ay Xisbullah ku weerartay xero ay Ciidamada Israel ku leeyihiin tuulada Matat oo ku taala xadka.

Afhayeenka Militariga Israel, Daniel Hagari ayaa sheegay in hal qof oo shacab ah uu ku dhintay gantaalada laga soo tuuray dhanka Lubnaan, kaas oo gantaal uu kula dhacay hoygiisa oo ku yaala xuduudda.

Isku dhacyada u dhaxeeya Ciidamada Israel iyo Xoogaga Xisbullah ee xuduudda ayaa u muuqdo kuwo sii xoogeysanaya. Xisbullah ayaa ka careysan duqaymaha baahsan ee ay Israel ka gaysaneyso Marinka Gaza.

Raysal Wasaare Netanyahu ayaa waxaa socdaalkan ku wehlinayay Wasiirkiisa Difaaca, Yoav Gallant iyo Taliyaha Ciidamada, General Herzi Halevi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc