Home Wararka Caalamka Raysal Wasaaraha Israel oo ku hanjabay inay qabsanayaan Philadelphi Corridor

Raysal Wasaaraha Israel oo ku hanjabay inay qabsanayaan Philadelphi Corridor

by Laacib

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa ku hanjabay in ay la wareegi doonaan waddada Philadelphi ama Philadelphi Corridor ee xadka Gaza iyo Masar.

Raysal Wasaaraha ayaa sheegay in aagga xadka u dhaxeeya Masar iyo Gaza ay tahay in la hoos keeno Maamulka Israel, sida uu yiri.

Philadelphi waa aag difaac ah oo ku yaala xadka Masar iyo Gaza, kaas oo ay ilaalinayeen Ciidamada Masar, tan iyo markii ay Israel isaga baxday Marinka Gaza, muddo haatan laga joogo 18 sano.

Raysal Wasaaraha Israel ayaa carabka ku adkeeyay in Israel ay la wareegeyso waddada Philadelphi, isla-markaana ay maamuli doonto.

“Philadelphi Corridor waa in ay gacantayada ku jirtaa. Marinka Philadelphi waa in Israel ay si buuxdo u maamusho.” Ayuu yiri Raysal Wasaaruhu.

Waxa uu sheegay in ay doonayaan inay xaqiijiyaan amniga xadka, maadaama sida uu sheegay ay kordhinayaan hawlgalada lagu la dagaalamayo Ururka Xamaas.

Netanyahu ayaa ku goodiyay in hawlgalka ciidamadiisu ka wadaan Gaza uu sii socon doono billaha soo socda.

Hadalka Netanyahu ayaa imaanaya, xilli Ciidamada Israel ay Sabtidii wa-xoogaa horumar ah ka sameeyeen dagaalka ka socdo deegaanka Khan Yunis oo ku dhow Rafah, oo dhacda xuduudda Gaza la wadaagto Masar.

Ciidamada Israel ayaa horey gacanta ugu hayay soohdinta Philadelphi, ka hor inta aysan isaga bixin Marinka Gaza, sanadkii 2005-tii.

Ciidamada Israel ayaa markii ugu horreysay halkaasi ka hawlgalay sanadkii 1967-kii, oo Marinka Gaza, Daanta Galbeed iyo Bariga Qudus ee dhulka Falastiiniyiinta ay Israel ku qabsatay dagaalkii lixda maalmood ee ay Carabta la gashay, waxayna soohdintaasi banneeyeen, ka dib ku dhawaad 40 sano oo ay gacanta ku hayeen.

Haddii Israel ay hadda la wareegto Philadelphi ayaa waxay caqabad kale ku noqon doontaa dadkii shacabka ahaa ee laga soo barakiciyay waqooyiga iyo koonfurta Gaza ee lagu amray inay taggaan jiidda koonfureed ee Rafah, oo maalmahaanba ay duqaymaha Israel ku fideen, waana xilli Qaramada Midoobey ay walaac ka muujineyso dadka faraha badan ee la isugu geeyay dhulka ciriiriga ah.

Warbaahinta gobolka ayaa sheegeysa in Dowladda Masar ay horaan Israel uga digtay dhaqdhaqaaq kasta oo militari oo ka socda marinka 100-mitir ah, kaas oo uu nidaamiyo heshiiskii nabadda ee Masar iyo Israel ee sanadkii 1979-kii.

Ma cadda sida Israel ay haatan dib ugu soo laaban karto soohdinta Falastiiniyiinta iyo Masar, iyadoo aan wax ogolaansho ah laga haysan Qaahira, xilli ay Israel duulaan ku hayso Gaza.

Qaahira ayaa ka carareysa in dib ugu soo laabashada Israel ee Philadelphi Corridor ay horseedi doonto in ciidamadeeda ay barakacin kale ka sameeyaan Rafah, markaas oo shacabka ay ku khasbanaan doonaan inay soo buurtaan Saxaraha Sinai ee Masar, maadaama aysan muuqan meel kale oo ay ku badbaadi karaan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc