Home Wararka Caalamka Raysal Wasaaraha Israel oo si adag uga horyimid qorshe ay Xamaas soo bandhigtay

Raysal Wasaaraha Israel oo si adag uga horyimid qorshe ay Xamaas soo bandhigtay

by Laacib

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa ka horyimid soo jeedinta Ururka Xamaas, si loo soo afjaro colaadda, loona sii daayo maxaabiista Israeliyiinta ee lagu haysto Marinka Gaza.

Xamaas ayaa dalbatay in dagaalka la joojiyo iyo in Ciidamada Israel ay isaga baxaan Gaza, iyadoo markaasi la sameynayo heshiis maxaabiis is dhaafsi ah, oo Xamaas-na ay sii deyn doonto la haysteyaashii ay ku soo qafaasheen weerarkii October 7-deedii.

Iyadoo Raysal Wasaaruhu uu wajahayo cadaadis gudaha iyo dibaddaba ah, ee ah in dagaalka la soo afjaro, la haysteyaashana dib loogu soo celiyo guryahooda ayuu sheegay inaanu maamulkiisu aqbali doonin dalabaadka Xamaas.

Waxa uu sheegay in heshiiskan uu hadhow Israel ka dhigi doono mid u dabran kooxaha argagixisada, isla-markaana aanu marnaba aqbali doonin.

“Waxaan si toos ah u diiday shuruudaha is dhiibidda ee Xamaas.” Ayuu yiri Raysal Wasaaraha Israel oo xalay Warbaahinta la hadlay.

“Haddii aan aqbalno tan, ma awoodi doono inaan dammaanad qaadno ammaanka muwaadiniintayada.” Ayuu yiri Raysal Wasaaruhu.

Dhanka kale Raysal Wasaare Netanyahu ayaa ku celiyay inaanay marnaba aqbali doonin yegleelidda dowlad ay leeyihiin shacabka Falastiiniyiinta.

Raysal Wasaaraha ayaa sheegay inuu muddo dheer hortaagnaa qaddiyadda Dowladnimada Falastiiniyiinta, muddada uu xafiiska sii joogana aanu ogolaan doonin.

Netanyahu ayaa ku hanjabay in Israel ay sii maamuli doonto Daanta Galbeed ee la haysto, ayna gacanta ku hayn doonto amniga Gaza, xitaa haddii uu dagaalku dhammaado.

“Kama tanaasuli doono in aynu si buuxdo u maamulno ammaanka Israel ee dhammaan dhulka galbeedka Webiga Urdun.” Ayuu yiri Netanyahu.

Jimcihii, Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa sheegay inuu Netanyahu kala hadlay xalalka suurtagalka ah ee lagu abuuri karo dowlad madaxbannaan oo Falastiiniyiintu leeyihiin, isagoo xusay in xal aan militari ahayn uu yahay kan keliya ee lagu gaari karo amniga waara ee Israel.

Sami Abu Zuhri oo ka tirsan Saraakiisha Xamaas ayaa diidmada Netanyahu ku macneeyay inaysan jirin wax fursad ah, oo ay ku guryo noqon karaan la haysteyaasha.

“Waxay la macno tahay inaysan jirin wax fursad ah oo ay dib ugu soo laaban karaan maxaabiista Israeliyiinta.” Ayuu yiri Abu Zuhri oo la hadlay Reuters.

Ku dhawaad 136 qof oo Israeliyiin ah ayaa lagu haystaa Marinka Gaza, kuwaa oo halis ugu jira in ay ku baxaan gacanta Ciidamada Israel, haddii ay sii socdaan duqaymaha baahsan ee ay ka gaysanayaan koonfurta iyo waqooyiga Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc