Raysal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa lacag dhan labaatan kun oo dollarka Mareykanka ($20,000) guddoonsiiyay muwaadin soo sheegay mooto bajaaj siday qarax, oo sida la sheegay ay maleeshiyada Al Shabaab doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.
Raysal Wasaaraha ayaa abaalmarintan lacageed guddoonsiiyay muwaadinkaasi Soomaaliyeed, xilli uu garab taagnaa Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad.
Raysal Wasaaraha ayaa qoraal xafiiskiisa ka soo baxay ku sheegay in tani ay ku timid wada shaqeynta iyo kalsoonida ay shacabka ku qabaan laamaha amniga.
“Raysal Wasaaraha ayaa sheegay in tallaabadani ay ku timid wada shaqeynta iyo kalsoonida ay bulshada Soomaaliyeed ku qabaan hay’adaha ammaanka, isagoo ku ammaanay muwaadinkaas dhiiranaanta iyo waddaniyadda uu muujiyay ee uu ku badbaadiyay nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed.” Ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Xafiiska Raysal Wasaaraha.