Home Wararka Maanta Raysal Wasaaraha oo si adag uga hadlay ragga dilalka gaysta, ka dibna baxsada (SAWIRRO)

Raysal Wasaaraha oo si adag uga hadlay ragga dilalka gaysta, ka dibna baxsada (SAWIRRO)

by Laacib

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta si adag uga hadlay ragga bastooladaha ku hubeysan ee dilalka ka gaysanaya Magaalada Muqdisho, isla-markaana ka baxsanaya goobaha ay fal dembiyeedyada ka gaystaan.

Raysal Wasaaraha ayaa soo hadalqaaday nin Xildhibaan hore ahaa oo gelinkii dambe ee Jimcihii lagu dilay Degmada Wadajir, iyadoo raggii dilayna ay u suurtagashay in ay sharciga ka baxsadaan. Marxuumka ayaana lagu magacaabi jiray Ibraahim Saalax Deyfullaah.

Raysal Wasaaraha ayaa sheegay inaanan la aqbali karin in magaalada lagu dilo qof muwaadin ah, ka dibna ay baxsadaan kooxihii dilay.

“Waa baxsaday weli way socotaa. Anigu waan amaanayaa Saraakiisha, laakiin illaa taa laga soo geba-gabeynayo wax alla wax aad haysaan ma jirto.” Ayuu yiri Raysal Wasaaraha oo ka hadlayay kulan uu soo qaban-qaabiyay Maamulka Gobolka Banaadir, laguna soo bandhigay warbixino ku aaddan horumarka iyo guulaha laga gaaray amniga Caasimadda Muqdisho.

Raysal Wasaaraha ayaa laamaha amniga faray in ay gacanta ku soo dhigaan kooxihii ka masuulka ahaa dilka Allaha u naxariistee Ex Xildhibaan Deyfullah.

Dilka marxuum Deyfullah ayaa waxaa sheegatay Al Shabaab, sida ay ku warantay idaacadda afkooda ku hadasha ee Andalus.

Xamse Cabdi Barre, Raysal Wasaaraha Somaliya ayaa maleeshiyada Al Shabaab ku dhalleeceeyay in ay ka been sheegayaan Diinta Alle, marka aad eegto in ay banneysteen dhiigga shacabka Soomaaliyeed, isla-markaana ay haldoorkoodii dilayaan.

Waxa uu sheegay in dowladdu aysan horumar sameyn karin, haddii aan la xaqiijin amniga, isla-markaana uu amnigu fure u yahay nolosha oo dhan, isagoona shacabka ugu baaqay in ay laamaha amniga kala shaqeeyaan xaqiijinta amniga.

Dhanka kale Raysal Wasaare Barre ayaa ku dhawaaqay in bilowga sanadka cusub ee 2024 la qaadi doono qaybo badan oo ka mid ah dhegxaanta amni ee yaala waddooyinka magaalada.

Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, Xildhibaano, Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Kuxigeenadiisa, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir, Taliyaha Nabad Sugidda Gobolka Banaadir, Culima’udiinka, Odayaasha Dhaqanka iyo haweenka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc