Home Wararka Maanta Raysal Wasaaraha Somaliya oo khudbad ka jeediyay shirka New York

Raysal Wasaaraha Somaliya oo khudbad ka jeediyay shirka New York

by Laacib

Raysal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre oo Magaalada New York kaga qaybgelaya meertada 78aad ee golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey ayaa khudbad ka jeediyay kulan lagu gorfeynayay Hiigsiga Yoolasha Horumarka Waara, isagoona kaga waramay is bedelada amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee dalku ku tallaabsanayo.

Raysal Wasaaraha ayaa golaha warbixin ka siiyay dadaalada lagu hiigsanayo Yoolasha Horumarka Waara ee Somaliya ka socda iyo sida ay dowladda uga go’an tahay in dalka lagu soo dabaalo amni, xasillooni iyo baraare loo aayo, tiiyoo ay jiraan caqabado ay ka mid yihiin saboolnimo, colaad iyo duruufo kale oo ka dhashay is bedelka cimilada, oo ku gudban in sidii la rabay looga libkeeno yoolasha qaarkood.

Raysal wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda Federaallka ay Qorshaha Horumarinta Qaranka (NDP9) ku jaangoysay Yoolasha Horumarka Waara ee Qaramada Midoobey, wuxuuna si gaar ah u xusay in laga soo bilaabo sanadkii 2017 lagu guuleystay in hoos loo dhigo heerka saboolnimada 15%, sidoo kalena la yareeyay umul raacashada haweenka 43%, halka heerka wax akhristaka haweenka da’doodu u dhaxeyso 15-24 sare loo qaaday 12.4%.

Mar uu ka hadlayay tallaabooyinka u qorsheysan dowladda, si loo gaaro Yoolasha Horumarka Waara ayuu Raysal Wasaaruhu daaha ka rogay qorsheyaal lagu kobcinayo karaanka dadweynaha, sida maalgashi lagu sameeyo tayada waxbarashada, baahinta fursadaha waxbarashada dalka, hoos u dhigista wax qoris & akhiris la’aanta iyo abuurista dugsiyo farsamada gacanta ah.

Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa intaasi ku daray in dowladdu ay mudnaan gaar ah siineyso taabagelinta hannaan lagu kobcinayo wax soosaarka beeraha dalka, iyadoo la adeegsanayo farsamooyin casri ah oo wax ka taraya beeqaaminta biyaha iyo waraabka, si looga gaashaanto saameynta daran ee ka dhalata is bedelka cimilada oo Somaliya u nugushahay, si taas loo suurtageliyana, Raysal Wasaaruhu wuxuu tibaaxay in Somaliya ay kaalin firfircoon ka qaadaneyso dadaalada caalamiga ah ee lagu hiigsanayo Yoolasha Horumarka Waara.

Raysal Wasaare Barre oo ka hadlayay horumarinta xaquuqda aadanaha ayaa wuxuu hoosta ka xarriiqay in xukuumaddiisu ay dardargelineyso ciribtirka cunfiga iyo xadgudubyada ka dhanka ah haweenka Soomaaliyeed, isagoo ballanqaaday in la xaqiijinayo, sidii haweenku uga dhex muuqan lahaayeen hoggaanka dalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc