Home Wararka Maanta Raysal Wasaaraha Somaliya oo kulan la qaatay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey

Raysal Wasaaraha Somaliya oo kulan la qaatay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey

by Laacib

Raysal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa Magaalada New York kula kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey.

Raysal Wasaaraha ayaa António Guterres kala hadlay xoojinta wada shaqaynta u dhaxeysa Hay’adaha Qarmada Midoobey iyo Dowladda Federaalka.

Qoraal lagu daabacay bogga Xafiiska Raysal Wasaaraha ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay si dhow uga wada hadleen, sidii la isaga kaashan lahaa wax ka qabashada arrimaha amniga, nabadda, horumarinta, is bedelka cimilada iyo hiigsiga yoolasha horumarka waara.

“Raysal Wasaaraha iyo Xoghayaha ayaa ka wada hadlay xoojinta wada shaqaynta u dhaxeysa Hay’adaha Qarmada Midoobey iyo Somaliya, iyaga oo si gaar iskula soo qaaday, sidii la isaga kaashan lahaa wax ka qabashada arrimaha muhiimka ah sida amniga, nabadda, horumarinta, is bedelka cimilada iyo hiigsiga yoolasha horumarka waara.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Raysal Wasaare Barre ayaa Magaalada New York ee Xarunta Qaramada Midoobey kaga qaybgelaya meertada 78aad ee golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc