Home Wararka Maanta Raysal Wasaaraha Somaliya oo la kulmay Saraakiil tababar ku qaadaneysa dalka Qatar

Raysal Wasaaraha Somaliya oo la kulmay Saraakiil tababar ku qaadaneysa dalka Qatar

by Laacib

Raysal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre oo booqasho ku jooga dalka Qatar ayaa Caasimadda Doha kula kulmay Saraakiil Soomaaliyeed oo tababar u jooga dalkaasi.

Saraakiishan oo isugu jira Saraakiil iyo Saraakiil Xigeeno ayaa loo diyaarinaya in ay wax ka hoggaamiyaan dagaalka dib-u-xoreynta dalka.

“Raysal Wasaaraha ayaa la wadaagay Saraakiisha rajada shacabka Soomaaliyeed ay ka qabaan, ee ah in ay hormuud u noqodaan hawlgalada socda ee xoreynta dalka.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Raysal Wasaaraha.

Qoraalka ayaa lagu sheegay “Raysal Wasaare Xamse ayaa Dowladda Qatar uga mahadceliyay taageerada kala duwan ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan soo saaridda Saraakiil tayo sare leh oo ka mid noqda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bartamihii bishii May la kulmay Saraakiishan, mar uu booqasho ku tegay dalkaasi.

Madaxweynaha ayaa xilligaasi sheegay in Somaliya ay maanta haysato ciidamo fara-badan, balse ay dhibaato ka haysato dhanka Saraakiisha, oo sida uu sheegay ku yar.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay inay ka shaqeynayaan, sidii uu dalka u yeelan lahaa Saraakiil ku filan, si la isugu bedelo, nasiinano ay u helaan Saraakiisha ku sugan furimaha hore.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc