Home Wararka Maanta Raysal Wasaaraha Somaliya oo u ambabaxay dalka Qatar

Raysal Wasaaraha Somaliya oo u ambabaxay dalka Qatar

by Laacib

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka Qatar.

Raysal Wasaaraha ayaa inta uu joogo kulamo kala duwan la yeelan doona Madaxda Qatar, oo ay ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Wafdiga Raysal Wasaaraha waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga, Abshir Cumar Jaamac (Huruuse), Wasiirka Maaliyadda, Biixi Imaan Cige, Wasiirka Amniga, Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe), Wasiirka Waxbarashada, Hidaha & Tacliinta Sare, Faarax Sheekh Cabdiqaadir Maxamed iyo masuuliyiin kale.

Dowladda Qatar ayaa Somaliya ka taageerta arrimaha amniga, horumarinta iyo gargaarka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc