Home Wararka Maanta Raysal Wasaaraha Somaliya oo u ambabaxay Magaalada Dar es Salaam

Raysal Wasaaraha Somaliya oo u ambabaxay Magaalada Dar es Salaam

by Laacib

Raysal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta u ambabaxay dalka Tanzania.

Wafdiga Raysal Wasaaraha ayaa shir kaga qaybgelaya Magaalada Dar es Salaam ee dalkaasi, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Xafiiska Raysal Wasaaraha.

“Raysal Wasaaraha iyo wafdigiisa oo ay ku jiraan Wasiiro ka tirsan xukuumadda ayaa ka qaybgelaya Shir Madaxeedka Horumarinta Karaanka Aadanaha ee Afrika, oo ka dhacaya Magaalada Daarusalaam inta u dhaxeysa 24-26 July 2023.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ayaa lagu sheegay “Shirkan oo looga hadlayo ahmiyadda ay Qaaradda Afrika u leedahay taabagelinta awoodda dadweynaha, si ay uga qaybqaataan horumarka qaaraddu hiigsaneyso ayaa mudnaan gaar ah oo ku aaddan horumarinta bulshada u leh Xukuumadda Dan-Qaran, waxaana la filayaa in ay ka soo baxaan go’aamo dhaxalgal ah.”

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc