Home Wararka Caalamka Raysal Wasaaraha Spain oo is garabtaag buuxa u muujiyay Ukraine

Raysal Wasaaraha Spain oo is garabtaag buuxa u muujiyay Ukraine

by Laacib

Raysal Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez ayaa taageero buuxdo u muujiyay shacabka Ukraine, ka dib booqasho taariikhi ah oo Sabtidii uu ku tegay dalkaasi.

Raysal Wasaaraha ayaa sheegay in Spain ay si weyn uga soo horjeeddo duulaanka gardarada ah sida uu yiri ee Ruushka, taas oo sida uu sheegay ka dhan ah shuruucda caalamiga.

Raysal Wasaaraha oo tegay Caasimadda Kyiv ayaa khudbad u jeediyay Baarlamaanka Ukraine, isagoona kaga dhawaaqay in Madrid ay garab taagan tahay dadka reer Ukraine.

“Waan idin la joogi doonnaa inta ay qaadaneyso.” Ayuu yiri Raysal Wasaaraha oo intaasi ku daray “Waxaan halkan u joogaa inaan muujiyo go’aanka adag ee Midowga Yurub ee ka dhanka ah gardarada sharci darrada ah Ruushka ee ku wajahan Ukraine.”

Dhanka kale Raysal Wasaaraha Spain ayaa Magaalada Kyiv kula kulmay Madaxweyne Volodymyr Zelenskyy.

Raysal Wasaare Sánchez oo ka barbar hadlayay Madaxweyne Zelenskyy ayaa sheegay in Spain ay Ukraine soo gaarsiin doonto hub casri ah, oo ay ku jiraan afar xabo oo taangiyada Jarmalku farsameeyo ee Leopard iyo gawaarida gaashaaman, waxa kaloo uu sheegay in dalkiisu uu bixin doono 55 milyan oo euro oo dheeri ah, si ay Kyiv uga caawiso baahiyaha dib-u-dhiska.

“Kani waa dagaal gardaro ah oo lagu dhibaateynayo dadka reer Ukraine. Looma wada dhaqmi karo si isku mid ah oo la iska indha-tirayo shuruucda caalamiga, taasi waa sababta aan u taageerno habka nabadda ee Madaxweyne Zelenskyy.” Ayuu yiri Sánchez.

Spain ayaa shalay la wareegtay hoggaaminta Ururka Midowga Yurub ee 6-da bilood ee soo socota. Ururkan ayaa waxaa ku mideysan 27 dal oo reer Yurub ah, waana urur dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo saamayn weyn ku leh siyaasadda dunida.

Madrid ayaa muddo xileedkeeda ka shaqayn doonto ka jawaabista duulaanka Ruushka ee Ukraine, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Spain, Jose Manuel Albares.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc