Home Wararka Caalamka Raysal Wasaaraha Spain “Waa in la helo laba dowladood oo Israel iyo Falastiin ah”

Raysal Wasaaraha Spain “Waa in la helo laba dowladood oo Israel iyo Falastiin ah”

by Laacib

Raysal Wasaaraha Spain, Pedro Sanchez ayaa duray barakacinta ballaaran ee Israel ku hayso shacabka Falastiiniyiinta ee degan Marinka Gaza.

Israel ayaa in ka badan hal milyan oo qof oo dadka reer Gaza ah ku amartay in ay isaga baxaan dhanka waqooyi ee magaalada, ka hor inta aanay ciidamadeeda ka fulin hawlgalka dhinaca dhulka ah.

Raysal Wasaaraha Spain ayaa sheegay inaanay shuruucda caalamiga ah qabin in tiro intaasi le’eg laga barakiciyo guryahooda.

“Sharciga caalamiga ah ma ogola nooca daadgureynta ballaaran ee ay Israel ka dalbatay dadka reer Gaza.” Ayuu yiri Raysal Wasaaraha Spain oo ka jawaabayay warkii Israel ee dadka lagu amray in ay isaga guuraan waqooyiga Gaza, ayna taggaan dhanka koonfureed ee magaaladaasi.

Raysal Wasaaraha ayaa tilmaamay in Israel ay xaq u leedahay inay is difaacdo, hase ahaatee aanay ahayn in ay ku xadgudubto xeerarka caalamiga ah.

“Israel waxay xaq u leedahay inay is difaacdo, balse mar walba waa inaysan jebin sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada, sida ay Qaramada Midoobey sheegtay.” Ayuu yiri Raysal Wasaaraha oo Sabtidii ka hadlayay shir uu xisbigiisu ku lahaa magaalada ku taala koonfur galbeed Spain ee Merida.

Pedro Sanchez, Raysal Wasaaraha Spain ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay rabshadahan ugu dambeeyay ee ka soo cusboonaaday Bariga Dhexe, oo sida uu sheegay walaac iyo xasillooni darro ka abuuray gobolka iyo dunidaba, isagoona Xoogaga Xamaas ugu baaqay in ay sii daayaan la haysteyaasha.

“Waxaa lagama maarmaan ah in la ilaaliyo dadka rayidka ah, loona ogolaado helitaanka gargaarka iyo in la hubiyo ixtiraamka sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada, oo ay ku jirto sii deynta la haysteyaasha.” Ayuu yiri Raysal Wasaaruhu.

Waxa uu ballanqaaday in dowladdiisu ay kordhin doonto kaalmada bani’aadanimo ee ay siiso dadka reer Falastin, iyadoo kala shaqeynaysa Hay’adaha Qaramada Midoobey.

Raysal Wasaaraha ayaa ku baaqay in dhinacyadu ay ka wada shaqeeyaan, sidii loo heli lahaa xal horseedaya dhismaha dowlad ay Falastiiniyiintu leeyihiin.

Kumanaan qof oo isugu soo baxay waddooyinka Magaalada Barcelona ee dalkaasi ayaa garab istaag u muujiyay shacabka Falastiiniyiinta. Dibadbaxayaasha oo watay Calanka Falastiin ayaa ku qaylinayay ereyo ay ka mid yihiin ‘Falastiin ha xorowdo’.

Raysal Wasaare Sanchez ayaa madax ka ah dowlad wadaag ah oo xulafada bidixda ee xisbigiisa ay si adag u dhalleeceeyeen falcelinta adag ee Maamulka Tel Aviv.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc