Home Wararka Maanta Raysal Wasaaraha Xukuumadda oo daahfuray Mashruuca Boqor Salmaan (SAWIRRO)

Raysal Wasaaraha Xukuumadda oo daahfuray Mashruuca Boqor Salmaan (SAWIRRO)

by Laacib

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka daahfuray mashaariic la xiriirta dhinacyada caafimaadka, waxbarashada, biyaha iyo gargaarka oo dalka ay ka hirgelineyso Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Howlaha Samafalka, kuwaa oo ay ku baxeyso lacag dhan 40 milyan oo dollar.

Raysal Wasaaraha ayaa tilmaamay in mashaariicdani ay wax weyn ka tari doonaan baahiyaha adeegyada bulshada ee ka jira dalka, gaar ahaan dhinacyada caafimaadka, waxbarashada iyo biyaha oo ka mid ah adeegyada aasaasiga ah ee ay baahida weyn u qabaan shacabka Soomaaliyeed.

La taliyaha Boqorka Sacuudiga ahna Kormeeraha Guud ee Xarunta Boqor Salmaan, Dr. Cabdalla Bin Cabdulcasiis Al-Rabiica, oo hoggaaminayay wafdiga Dowladda Sacuudi Carabiya ee maanta u yimid daahfurka mashaariicda ayaa sheegay in Dowladda Sacuudiga ay ka go’an tahay taageerada dhinacyada kala duwan leh ee shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda.

Raysal Wasaare Barre ayaa uga mahadceliyay Boqortooyada Sacuudiga garab istaagga iyo taageerada noocyada kala duwan leh ee ay mar walba siiso dadka iyo Dowladda Soomaaliyeed, isaga oo hoosta ka xariiqay in tallaabadani ay sii xoojinayso xiriirka walaaltinimo ee u dhaxeeya labada dal.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc