Home Wararka Maanta Raysal Wasaaraha Xukuumadda oo dalka dib ugu soo laabtay (SAWIRRO)

Raysal Wasaaraha Xukuumadda oo dalka dib ugu soo laabtay (SAWIRRO)

by Laacib

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.

Wafdiga Raysal Wasaaraha ayaa maalmihii ugu dambeysay booqasho ku joogay Magaalada Doha ee dalkaasi Qatar.

Raysal Wasaaraha ayaa casuumaad ka helay dhiggiisa dalkaasi, Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani, isagoona dalkaasi kula kulmay masuuliyiin kala duwan.

“Mudane Xamse ayaa intii uu ku sugnaa dalka Qatar waxaa kulamo kala duwan uu la yeeshay Raysal Wasaaraha Qatar, Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani, masuuliyiin kala duwan iyo ganacsatada dalka Qatar, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka qotoda dheer ee ka dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ee Somaliya iyo Qatar.” Ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay bogga Xafiiska Raysal Wasaaraha.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Raysal Wasaaruhu uu Madaxda Dowladda Qatar kala hadlay, sidii loo ballaarin lahaa taageerada ay siiyaan Somaliya, ee dhinacyada amniga, mashaariicda horumarinta iyo maalgashi ay ganacsatada dalkaasi ku sameystaan dalka.

“Raysal Wasaaraha ayaa sidoo kale kala hadlay Madaxda Dowladda Qatar, sidii ay u ballaarin lahaayeen taageerada xagga amniga, mashaariicda horumarinta iyo maalgashi ay ganacsatada Qatar ku sameystaan dalkeenna, qodobaasi oo dhammaantood labada dowladood isku afgarteen.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Raysal Wasaare Barre ayaa waxaa safarkiisan ku wehlinayay Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga, Abshir Cumar Jaamac (Huruuse), Wasiirka Maaliyadda, Biixi Imaan Cige, Wasiirka Amniga, Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe), Wasiirka Waxbarashada, Hidaha & Tacliinta Sare, Faarax Sheekh Cabdiqaadir Maxamed iyo xubno kale.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc