Home Wararka Maanta Raysal Wasaaraha Xukuumadda oo gaaray Degmada Aadan Yabaal (SAWIRRO)

Raysal Wasaaraha Xukuumadda oo gaaray Degmada Aadan Yabaal (SAWIRRO)

by Laacib

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Raysal Wasaaraha ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee degan.

Socdaalka Raysal Wasaaraha ayaa la xiriira, sidii uu u dhiirigelin lahaa ciidamada iyo dadka deegaanka ee dagaalka kula jira maleeshiyada Al Shabaab.

“Raysal Wasaaraha ayaa ujeedada safarkiisu ay tahay, sidii uu u dhiirigelin lahaa geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadka deegaanka ee gacanta birta ah ku ciribgoynaya inta yar ee kaga harsan kooxaha Khawaariijta Galmudug iyo Hirshabelle.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Raysal Wasaaraha.

Qoraalka ayaa lagu sheegay “Raysal Wasaaraha ayaa kuurgeli doona is bedelada nololeed ee ka jira deegaanadii laga sifeeyay Khawaarijta, oo ay ka mid tahay degmada qadiimiga ah ee Aadan Yabaal, isla-markaana kulamo gaar ah la yeelan doona qaybaha kala duwan ee bulshada iyo Taliska Ciidanka X.D.S ee laga hoggaamiyo dagaalka ka socda Galmudug iyo Hirshabelle ee lagu sifeynayo argagixisada.”

Waa safarkii labaad ee Raysal Wasaare Barre uu ku tago degmadaasi, iyadoo safarkan kii ka horreyay uu ku tegay 14-kii bishii December.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc