Home Wararka Maanta Raysal Wasaaraha Xukuumadda oo kormeeray Xarunta Laanta Socdaalka (SAWIRRO)

Raysal Wasaaraha Xukuumadda oo kormeeray Xarunta Laanta Socdaalka (SAWIRRO)

by Laacib

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta kormeeray Xarunta Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadda Somaliya ee Magaalada Muqdisho.

Raysal Wasaaraha ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay Agaasimaha Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadda, Axmed Siciid Maxamed, isaga oo soo indha-indhaheeyay sida shaqada uga socoto xafiisyada xaruntaasi.

Raysal Wasaaraha ayaa markii dambe kulan gaar ah la qaatay Aaasimaha, waxaana kulanka ku wehliyay Wasiirka Amniga Gudaha, Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe).

“Agaasimaha Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadda ayaa Raysal Wasaaraha uga warbixiyay qorshaha horumarineed ee hay’adda u hirgalay muddadi koobneyd ee uu xilka hayay, isagoo sheegay in ay asteeyeen maamul ka caagan musuq-maasuq iyo ku takri-fal awoodeed.” Ayaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay Xafiiska Raysal Wasaaraha.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Raysal Wasaaraha ayaa dul istaagay howlaha shaqo ee ka socda hay’adda, isagoo qiimeynaya miro-dhalka is bedelka Hoggaanka Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadda ee lagu dardargelinayo adeegyada ay u hayso shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed.

Raysal Wasaaraha ayaa sheegay in Agaasimaha cusub looga fadhiyo inuu sii horumariyo Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadda oo qaranka u ah weji, sumcad iyo karaamo, isla-markaana ah halka isku xirta Somaliya iyo dunida inteeda kale, taas oo lagama maarmaan ka dhigeysa in ay ilaashato sumcadda ay ku metelayso Somaliya iyo tartanka ay adduunka kula jirto.”

Agaasimaha cusub oo 8-dii bishan uu magacaabay Wasiirka Amniga Gudaha ayay Khamiistii Golaha Wasiirada ansixiyeen magacaabiddiisa.

Cabdiqaadir Cilmi Cali (Cabdul) oo horey ugu magacawnaa Agaasimaha Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadda ayaa 6-dii bishan lagu arkay liis 18 Sarkaal ka kooban oo Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Qaranka ku soo oogay eedeymo musuq-maasuq.

Garyaqaan Suleymaan Maxamed Maxamuud, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay in Cabdul uu ka mid yahay sagaal eedeysane oo maqane ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc