Home Wararka Maanta Raysal Wasaaraha Xukuumadda oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Mareykanka (SAWIRRO)

Raysal Wasaaraha Xukuumadda oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Mareykanka (SAWIRRO)

by Laacib

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre oo maalmahaanba booqasho ku joogay dalkaasi Mareykanka ayaa xalay si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa magaaladaasi munaasabad soo dhaweyn ah ugu sameysay wafdiga Raysal Wasaaraha Xukuumadda.

Raysal Wasaaraha oo ka hadlayay munaasabaddaasi ayaa jaaliyadda uga warbixiyay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan horumarka ay dowladdu ka sameysay dhinacyada amniga, dhaqaalaha, siyaasadda, arrimaha bulshada iyo samafalka.

Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in Dowladnimada Somaliya ay hortaagan yihiin saddex arrimood, oo uu ku kala sheegay maleeshiyada Al Shabaab, qabyaaladda iyo musuq-maasuq.

Raysal Wasaaraha ayaa bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi ugu baaqay in ay qaybtooda ka qaataan gulufka dagaal ee dalka looga xoreynayo kooxaha argagixisada.

Raysal Wasaare Barre ayaa Magaalada New York ee Xarunta Qaramada Midoobey kaga qaybgalay Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc