Home Wararka Maanta Raysal Wasaaraha Xukuumadda oo la kulmay Safiirka Qatar ee dalka (SAWIRRO)

Raysal Wasaaraha Xukuumadda oo la kulmay Safiirka Qatar ee dalka (SAWIRRO)

by Laacib

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa gelinkii dambe ee maanta Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho ku qaabilay Safiirka Qatar u jooga dalka, Danjire Abdullah bin Salem Al Nuaimi.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaadshiga ka dhaxeeya labada dal, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Xafiiska Raysal Wasaaraha.

“Raysal Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyay Dowladda Qatar taageerada ay siiso Somaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarinta adeegyada aasaasiga ah iyo gargaarka.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ayaa lagu sheegay “Dhankiisa, Danjire Cabdalla ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan taageerada dhinacyada kala duwan leh, ee ay mar walba la garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.”

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc