Home Wararka Maanta Raysal Wasaare Barre “Dagaalka Garoowe waa dagaal micno darro ah, waa dagaal aan ku habboonayn”

Raysal Wasaare Barre “Dagaalka Garoowe waa dagaal micno darro ah, waa dagaal aan ku habboonayn”

by Laacib

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa muuqaal uu soo duubay caawa kaga hadlay dagaalka xoogan ee maanta ka dhacay Magaalada Garoowe.

Raysal Wasaaraha ayaa marka hore ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay iyo kuwii kale ee ku dhaawacmay dagaalkaasi, oo u dhaxeeyay Ciidamada Puntland iyo ciidamo kale oo taabacsan siyaasiyiinta mucaaradka.

“Waa nasiib darro, waxaan leeyahay intii ku dhimatay Ilaahay ha u naxariisto, intii ku dhaawacantayna ha u booga-dhayo.” Ayuu yiri Raysal Wasaaraha Xukuumadda.

Raysal Wasaaraha ayaa ku baaqay in si degdeg ahi loo joojiyo dagaalka Garoowe, oo uu ku tilmaamay dagaal aan wax macno ahi lahayn.

“Waxaan ku baaqayaa in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka meeshaas ka socda, waa dagaal micno darro ah, waa dagaal aan ku habboonayn, waa dagaal kan ku dhimanaya labada dhinacba ay yihiin dad walaalo ah oo ehel ah, oo haba yaraatee wax micno ah ay u sameynayso aysan jirin inay is diriraan. Sidaas darteed waxaan leeyahay mar kale si degdeg ah xabaddaas haloo joojiyo.” Ayuu yiri Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre.

“Waxaan ku baaqayaa in wax kasta oo lagu kala aragti duwan yahay ama la isku hayo lagu xaliyo waddada ama jidka wada hadalka iyo is fahamka, waxaan hubaa inuu asaga ka dhib yar yahay, kana khasaare yar yahay, kana natiijo wanaagsan yahay in qori afkii lagu wada hadlo.” Ayuu yiri Raysal Wasaaraha oo intaasi raaciyay “Waxaan joognaa xilli qofkii wax garanaya ee Soomaali ah ee soo joogay uusan xiiso badan u qabin inuu walaalkii xabad ku rido.”

Raysal Wasaare Barre ayaa baaqiisa ku xoojiyay “Puntland oo hoygii nabadda ah oo muddo dheer oo dhowr iyo labaatan sano ah dowlad ahayd maanta in caasimadeedii lagu dirirayo dow ma ahan. Marka walaalayaal xabadda hala joojiyo, wada hadal ku dhameysta wax kasta oo khilaaf ah oo jira.”

Xamse Cabdi Barre, Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ayaa ugu baaqay Isimada Puntland, waxgaradka, aqoonyahanada iyo ururada bulshada in ay qaataan doorkooda nabadeed, isla-markaana ay isu keenaan labada dhinac, nabadna ku soo dabaalaan.

“Waxaan u rajeynaya dadka reer Puntland ayagoo nabada oo wadajira inay ciidaan. Wadajirka, jiritaanka iyo xoojinta nidaamka dowladnimada ee Puntland waa aasaaska nabadda Somaliya, Puntland waa horyaalka Somaliya ee dhinaca nabadda, dowladnimada iyo horumarka, waxaan rajeynaynaa in ay halkeedii ka sii wado, waxaana rajeynaya in la soo afjaro wax kasta oo qulqulatooyin ah oo taagan, hadday noqoto mid siyaasadeed iyo hadday noqoto mid kale, intaba.” Ayuu yiri Raysal Wasaare Barre.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc