Home Wararka Maanta Raysal Wasaare Barre oo booqday Xarunta Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed

Raysal Wasaare Barre oo booqday Xarunta Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed

by Laacib

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta kormeeray Xarunta Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ee Magaalada Muqdisho.

Raysal Wasaaraha ayaa halkaasi kula kulmay Madaxda Hay’adda Duulista Rayidka iyo Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada.

War ka soo baxay Xafiiska Raysal Wasaaraha ayaa lagu sheegay in masuuliyiintaasi uu ka dhageystay warbixinno ku saabsan horumarada laga gaaray adeegga iyo Maamulka Hawada.

“Raysal Wasaaraha ayaa ku bogaadiyay Wasaaradda Gaadiidka iyo Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed horumarka ay sameeyeen, isaga oo sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ahmiyad gaar ah siineyso horumarinta Hay’adda Duulista Hawada, si loo sii laba jibaaro guulaha la gaaray.” Ayaa lagu yiri warka.

Sida warka lagu sheegay, Raysal Wasaare Barre ayaa laamaha amniga faray in ay baaritaan dhab ah ku sameeyaan, isla-markaana ay gacanta ku soo dhigaan kuwii ka masuulka ahaa dilka marxuum Cabdinaasir Muuse Cabdiraxmaan (Dahable), oo xalay meydkiisa laga helay gurigii uu ka deganaa Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Cabdinaasir Muuse ayaa ka tirsanaa Shaqaalaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Booliska ayaa sheegay in falkaasi ay u soo xireen lix qof oo la tuhunsan yahay in dilkiisa ay ku lug lahaayeen.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc