Home Wararka Maanta Raysal Wasaare Barre oo daahfuray Howlgelinta Maxkamadda Xabsiga Muqdisho (SAWIRRO)

Raysal Wasaare Barre oo daahfuray Howlgelinta Maxkamadda Xabsiga Muqdisho (SAWIRRO)

by Laacib

Raysal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta daahfuray Howlgelinta Maxkamadda Xabsiga Muqdisho ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Dhismahan oo laga dhisay deegaanka KM7 ee Ex kontorool Afgooye ayaa loo dhisay qaab casri ah.

Raysal Wasaaraha ayaa sheegay in guulaha laga gaaray amniga iyo dhaqaalaha dalka in aan la xaqiijin lahayn, haddii aan dib-u-habaynta lagu sameyn lahayn hannaanka caddaaladda iyo garsoorka dalka.

Raysal Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay mudnaan gaar ah siisay garsoorka iyo caddaaladda, taas oo caddeynaysa in markii ugu horreysay laga dhigay caddaaladda mid ka mid ah lixda tiir ee ay xukuumaddu leedahay.

Xamse Cabdi Barre, Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ayaa intaasi ku daray in xukuumaddiisu ay xoogga saareyso, sidii uu dalku u yeelan lahaa xabsiyo casri ah oo dabooli kara baahida xabsi ee ka jirta Somaliya.

Raysal Wasaare Barre ayaa uga mahadceliyay Qaramada Midoobey iyo dalalka deeqbixiyeyaasha oo ka qayb qaatay Dhismaha Maxkamadda Xabsiga Muqdisho.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc