Home Wararka Maanta Raysal Wasaare Barre oo dalka dib ugu soo laabtay

Raysal Wasaare Barre oo dalka dib ugu soo laabtay

by Laacib

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa gelinkii ee maanta dib ugu soo laabtay dalka, iyadoona si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Raysal Wasaaraha ayaa labadii toddobaad ee ugu dambeysay ku maqnaa dalka Sacuudiga, halkaas oo uu u tegay gudasha waajibaadka Xajka.

“Raysal Wasaaraha oo ka mid ahaa Muslimiinta Alle fursadda u siiyay Xajka sanadkan ayaa intii uu ku sugnaa, waxa uu ugu soo duceeyay ummadda Soomaaliyeed nabad, horumar iyo midnimo.” Ayaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay Xafiiska Raysal Wasaaraha.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Mudane Xamse ayaa intii uu ku sugnaa dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya la kulmay qaar ka mid ah Hoggaamiyeyaasha Muslimka ee iyaguna sanadkan gudanayay waajibaadka Xajka.”

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc