Home Wararka Maanta Raysal Wasaare Barre oo Danjiraha Britain kala hadlay hawlgalka dib-u-xoreynta dalka (SAWIRRO)

Raysal Wasaare Barre oo Danjiraha Britain kala hadlay hawlgalka dib-u-xoreynta dalka (SAWIRRO)

by Laacib

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho ku qaabilay Safiirka Britain u jooga dalka, Danjire Mike Nithavrianakis.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, sida lagu sheegay qoraal gelinkii dambe ee maanta ka soo baxay Xafiiska Raysal Wasaaraha.

Raysal Wasaaraha ayaa Safiirka ugu baaqay in Dowladda Britain ay xukuumaddiisa ka taageerto barnaamijka lagu xasillinayo deegaanada laga saaro maleeshiyada Al Shabaab.

“Raysal Wasaaraha ayaa Danjiraha la wadaagay qorshaha xukuumadda ee ku wajahan dib-u-xoreynta dalka, taageerada loogu baahan yahay barnaamijka xasillinta deegaanada laga xoreeyo Khawaariijta iyo dardargelinta mashruucyada horumarineed ee UK ay ka taageerto Somaliya ee dhinacyada horumarinta, gargaarka iyo amniga.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Britain ayaa ka mid ah dowladaha Somaliya ka taageera arrimaha amniga, dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida iyo xoojinta barnaamijka dib-u-dhiska dowladeed.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc